HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Saturday, February 16, 2013 - 19:55:32
Waxaa la aqristay: 518 Jeer.

LAYAABKA DUNNIDDA. Bisad sababtay in la joojiyo Xaflad soctay

Waxaa Qoray:

images

Bisadaani ayaa sababtay in la joojiyo Xaflad ka dhaceysay dalka Al-Geria kadib markii Bisadaasi ay gudaha u gashay Hoolka ay ka dhaceysay Xafladda, Haweeney lagu magacaabo Hana oo iyadu kamid ahayd haweenka maamuusaayay Xafladaasi ayaa sheegtay in xafladda ay mar qurah isu bedeshay Goob buuq badan waxa ayna sheegtay Marwo Hana in Bisadaasi ay hoos gashay mid kamid ah Kuraastii Hoolka ku jiray
Hana ayaa sidoo kale sheegtay in buuqa ka dhashay Biasadaasi uu sababay in qaar kamid ah ay jajabaan Hablihii kasoo qeyb galay Xafladda kuwaasoo iyagu ku labisnaa dhar ku dheg-dhegan taasina ay sababtay markii ay isku dayeen inay goobta ka cararaan ay halkooda ku dhaceen
Bisadda ayaa qeylisay kadibna waxa ay bilowday inay ku dhex cararto Hoolka Xafladda taasoo sababtay in Haweenka isugu yimaaday xafladaasi ay ku kala cararaan iyaga oo ka naxay Qeeladda Bisadda hayeeshe waxaa halkaasi ku jajabay Dhowr iyo toban Haween
Si kastaba ha ahaatee Bisada ayaa noqotay mid ka yaabisay dadka Reer Al-Geria oo iyagu ka aqristay wargeysyada kasoo baxa dalkaasi waxaana durbadiiba hoolka soo buux dhaafiyay Ciidamada amaanka iyo gawaarida lagu qaado dhaawacyadda kuwaasoo gurmad u ahaa haweenkii jajabay.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale