1: Thursday, February 14, 2013 - 13:53:06
2: 385 Jeer.

LAYAABKA DUNIDDA:- Tuug wejiga kaga gubtay isagoo xadi lahaa xarkaha korontadda xambaara.

Waxaa Qoray:

Wayne+Houfe+ (1)

Nin tuug ah oo u dhashay dalka Britain, ayaa waxa uu si xun ugu gubtay xilli uu doonayey inuu xado fiilo koronto shidan.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Wayne Houfe ayaa waxa uu gacmaha la galay fiiladda Korontadda  nooca loogu talagalay inay qaado koronto cabirkeedu dhamaa 11,000 oo Voltages ee Halbeegga lagu cabiro quwadda korontadda.

Houfe oo  44-jir ah ayaa waxa uu gubasho heerka saddexaad ah kala kulmay korontadda uu xadi lahaa, iyadoo iminka lagu daaweynayo Isbitaal ku yaalla magaalladda Darlington. Co. Durham.

Waxa uu aad uga gubtay wejiga, gacmaha, indhaha  iyo qeybo ka mid ah jirkiisa, iyadoo wejigiisa midab-soormay oo uu Weji casaan ah yeeshay ‘red-faced’,

Dhibanaha oo ah aabe labo carruur leh  ayaa la soo taagay Maxkamad, isagoo aan istaagi karin, kadiib, markii ay Shirkadda Korontadda ku dacweysay inay khasaaro ba’an kala kulmeen Baalaha Korontadda ee uu jaray.

Shirkaddu waxay tilmaamtay inay khasaartay lacag dhan £1,000 Pound, iyadoo 25 guri koronto la’aan ku dhacday.

Maxkamadda waxay ku riday xabsi 12-bilood ah, inkastoo Dhibanaha weli lagu daaweynayo Isbitaal ku yaalla magaalladda New Cstle.

W/Q. Wariye Anwar Bakhiit

Email: wararka@live.se

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale