HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Saturday, February 2, 2013 - 15:01:01
Waxaa la aqristay: 169 Jeer.

LAYAABKA DUNIDDA:- Garsoore shaqada looga eryey isagoo ku lulooday Maxkamadda dhexdeeda.

Waxaa Qoray:

b

Garsoore u dhashay dalka Raashiya, ayaa waxaa lagu soo waramay inuu shaqadiisa ku waayey, kadib, markii la soo bandhigay isagoo ku dhex luloonaya Miiska Garsooraha ee Maxkamad ku taalla magaalladda Mosko.

Garsoorahaasi oo lagu magacaabo Yevgang Makhno, ayaa laga duubay Filim xilli uu qaadayey Dacwad loo haystay nin Ganacsade ahaa.

Filim Video ah oo bishii hore la soo dhigay You Tube ayaa waxaa laga dheehan karaa iyadoo uu Garsooruhu dhinac u liicayo isagoo luloonaya, wuxuuna hurdada ka soo baraarugay iyadoo Garyaqaanka dhameeyey hadalkii uu ku difaacayey Ganacsadaha.

Garsooraha oo aan si fiican ula soconin hadalka Garyaqaanka, ayaa waxa uu ugu dambeyntii ku dhawaaqay inuu Ganacsadaha ku xukumay 5-sanno oo Xabsi shaqo adag leh.

Filimka Garsooraha oo .la duubay bishii July ee sannadkii hore, ayaa Barta You Tube la soo geliyey bishii la soo dhaafay.

Guddoomiyaha Garsoorka ee magaalladda Blagoveshohns, ayaa sheegtay in Garsooraha ku lulooday Maxkamadda laga eryey shaqada, isla markaana mar kale laga qaadi doono Imtixaan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale