1: Monday, February 11, 2013 - 22:12:19
2: 585 Jeer.

LAYAABKA DUNIDDA:- Eey Sababay in la xiro Garoonka Diyaaradaha Nouakchott

Waxaa Qoray:

3_1_12_2011_33_47

Sida laga soo xigtay Warkeyska Al-akhbar ee kasoo baxa Dalka Muritaaniya gaar ahaan Caasimadda Nouakchott ayaa sheegaya in in Garoonka Nouakchott Al-babada leysugu dhuftay kadib markii Eey baahan uu qalalaaso ka dhex kacshay Gudaha Garoonka xilli ay soctay Shaqada

Eyga Qalalaasada kacshay ayaa waxaa watay Nin u dhashay Yurubta waxaana lagu soo waramaaya in Eygaasi uu arkay ama uriyay Boorso ku jiray Hilib taasina ay sababtay in Eyga uu qaso garoonka sababo lagu sheegay in Eyga uu ahaa mid aad u baahnaa

Sidoo kale wargeyska ayaa qoray in Shaqaalaha Garoonka la kala diray islamarkaana Garooka Al-baabada leysugu dhuftay kadib markii Eyga uu joojin waayay Carqaladeynta

Si kastaba ha ahaatee waqtigii dambe ayaa waxaa Eyga gacanta ku dhigay Booliska ilaaliya Garoonka waxa ayna sheegen in Eyga uu ahaa mid tababaran islamarkaana uu la il-daranaa Baahi taasina ay sababtay inuu qaso Garoonka si uu Boorsadaasi ugala baxo Hilibka.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale