1: Saturday, February 2, 2013 - 23:36:23
2: 585 Jeer.

LAYAAB: Waa kuma laacibka lagu soo iibsaday waqtigii ugu yaraa?

Waxaa Qoray:

mar

Laacibka Khadka dhexe ee McDonald Mariga ayaa noqaday ciyaaryahankii ugu waqtiga yaraa ee la la soo wareego waxaana kooxda Kubadda Cagta Parta ee wadanka Talyaaniga ay ku qaadatay inay la soo wareegto muddo shan daqiiqo oo qura.

Parma ayaa dhigtay rikoorkii ugu waqtiga yaraa ee Ciyaaryahan lagu soo qaato kaasoo bishii Janaayo ee ina dhaaftay ay ku soo qaadatay laacibkii qadka dhexe ee kooxda Inter ee McDonald Mariga heshiis dhameys tiran muddo shan daqiiqo ah.

Waregysyada ka soo baxa Dalka Talyaaniga ayaa aad u hadal haya arrintaan, waxaana ay qoreen in kooxda Parma ay ku qaadatay muddo shan daqiiqo oo kaliya inay ku soo xero galiso laacibka qadka dhexe ee u dhashay Dalka Kenya Mariga.

Waxaana warku uu intaa ku darayaa in McDonald Mariga heshiis lagu soo qaatay uu noqday heshiiskii ugu waqtiga Yaraa Taariikhda kubadda Cagta Talyaaniga iyo tan caalamka ee ciyaaryahan lagu soo qaato.

Mariga waxay kooxda Parma soo qaadatay maalintii ugu dambeysay ee uu xirmayey suuqa kala iibsiga bishii Janaayo ee aynu ka soo gudubnay, waxayna kooxda Parma iyo Inter isku fahmeen muddo shan daqiiqo ah.

Xiddiga qadka dhexe ee McDonald Mariga ayaa kooxda Inter waxa ay soo iibsatay waqtigii uu kooxdaasi ku sugnaa Macallin Jose Mourinho.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale