1: Wednesday, December 5, 2012 - 21:38:56
2: 365 Jeer.

La Yaabka Dunida: Nin dhagtiisa ku jiidaya baabuur iyo Helicpoter

Waxaa Qoray:


Nin u dhashay wadanka Georgia oo ka mid ahaa dalweynihii midowga Soofiyeeti ee burburray (USSR), ayaa saxaafada caalamka si weyn u hadal haysaa ka dib markii isagoo adeegsanaya dhagtiisa uu jiiday baabuur 8 ton ah iyo waliba diyaarad Helicopter ah.

Ninkan oo lagu magacaabo Lasha Pataraya oo ah beeraley murqo waa weyn leh ayaa laga baahiyey Telefishinada caalamka isagoo xarig dhagta uga xiran ku jiidaya baabuur weyn oo culeyskiisu yahay 8 ton, dhirirkiisuna yahay 21.5 meters.

Lasha ayaa arintan ku soo bandigay meel fagaare ah oo ay isagu soo baxeen dad aad u fara badan, waxaana muuqaalka video-ga laga duubayey laga baahiyey Telefishinka wadanka Georgia, isagoo sheegay in uu haatan sugayo in uu ka helo jawaab maamulka buuga lagu qoro waxyaabaha la yaabka leh ee dunida ka dhaca ee Guinness Book of Records.

Taageerayaashiisa iyo dadkii kale ee goobta ku sugnaa ayaa hal mar buuq iyo sacab isku darey markii Lasha uu dhaqaajiyey baabuurkii uu ku jiidayey dhegtiisa, waxaana ay sameynayeen dhiirigalin ay uga dan lahaayeen inay uu sii wado jiidista gaariga ilaa uu ka gaaro masaafo lagu xaqiiqsan karo xoogweynidiisa gawaari dheg ku jiidida ah.

Ninkan oo ku nool magaalada Rustavi,ee ku taal wadanka Georgia ayaa wareysi uu bixiyey markii uu dhameeyey arintan la yaabka leh wuxuu yiri

“Tan waxaan uga dan leeyahay si aan u jabiyo rirkoorkii aan horey u dhigay ee ahaa 7,850 Kiilo, waayo maanta waxaan dhagteyda ku jiiday 8 tan iyo bar baabuur ah”.

Shan sano ka hor Lasha Pataraya wuxuu Lasha Pataraya ku guuleystey in uu ku jiido dhagtiisa diyaarad helicopter ah oo dhirirkeedu yahay 26 mitir, waxaana lagu tilmaamay talaabadan in aanay aheyn oo kaliya xoog ee ay ku jirto farsamo iyo xeelado uu adeegsanayo Ninkan.

Waxaa Qoray
Yaasiin Faradheere

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale