1: Thursday, February 21, 2013 - 20:16:17
2: 348 Jeer.

Kulan looga hadlayay Guurka qasabka iyo waxa ay Shareecada Islaamka ka qabto oo maanta ka dhacay Muqdisho + Sawirro

Waxaa Qoray:

Kulan looga hadlay waxa ay Shareecada Islaamka ka qabto gabdhaha sida qasabka ah lagu guursado, iyadoo waalidkooda aan laga doonan ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana kulankan ka qeyb galay Culumaa’udiin, waxgarad iyo Ururada bulshada rayidka.

Hey’adda wada hadalka Bulshada ee CCD oo kulankan soo qaban qaabisay ayaa Culumaa’udiinkii ka qeyb galay ay ku jeex-jeexeen mas’aalooyin diini ah iyo tacadiyada haweenka loo geysto.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Sheekh C/qaadir Soomow oo ah Afhayeenka Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca oo tilmaamay inay jiraan in gabdho si qasab iyo xoog ay ku guursadeen Al-habaab, taasoo uu xusay inay qeyb ka tahay tacadiyada haweenka loo geysto.

“Tacadiyada Haweenka loo geysto waxaa qeyb ka ah guurka qasabka, waxaa soo baxay dhacdooyin xanuun badan in gabdhaha Soomaaliyed xoog lagu guursaday, iyadoo waalidka laga doonan, waxaa Nimankaas Shabaab ku caan baxeen in dadka ay Murtad dhahaan, xaasaskooda xoog ku wataan”ayuu yiri Sheekh C/qaadir Soomow.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Culimada ay ka soo saaraan fatwooyin gabadha sida qasabka lagu guursado inuu nikaaxa yahay mid xalaal ah, si aanay canuga ay dhasho bulshada dhexdeeda looga faquuqin, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in bulshada door ku yeelato.

Sheekh Muuse Cadde oo ka mid ah Culimada ugu caansan dalka oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in bulshada loo baahan yahay in loo bayaaniyo dariiqada Suufiyada oo uu xusay inay dadka qaar fikrado qaldan ka aamisan yihiin, waxaase uu xusay inuu soo ogaaday in Ahlu dariiqada inay galaan Imaam Abuu Xaniifa.

Waxaa uu sheegay inuu Muxaaradarooyin uu ku soo qabtay dalalka Talyaaniga, Jarmal iyo dalalka Scandanavian-ka, isagoo tilmaamay inuu la kulmay dadka aaminsan Ahlu dariiqada inay yihiin firqo baadiyeysan, oo uu ugu dambeyn wacyi geliyay, isla markaana wax ka bedelay fikirka ay qabeen ahlu dariiqa Suufiyah.

Sidoo kale Sheekh Muuse ayaa sheegay in gabdhaha sida qasabka loo guursado loo naxariisto, isla markaana bulshada aan laga takoorin, isagoo soo qaatay qisooyin horay u dhacay, oo la mid ah kuwa ku dhacay gabdhaha Soomaaliyed.

Waxaa kaloo kulanka la hadlay Gudoomiyaha Ahlusuna ee Gobolka Banaadir Sheekh Axmed Shuqul oo tilmaamay in Culimada ay yihiin indhaha bulshada, isla markaana loo baahan inay fatwooyaan, mas’alo walbana ay u taal culimada, dowladda ay mas’uuliyad ka saaran tahay.

Culimadii ka hadlay kulanka oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Suufi Yare iyo Sheekh Cumar Xerow ayaa iftiimiyay in gabadhaha sida qasabka caruurta looga dhalay ay haboon tahay in la xurmeeyo, lana karameeyo, waxaana ay tilmaameen in hadii la isu naxariisto uu Alle u naxariisanayo.

Sheekh Muuse Cagaweyne oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in guurka uu siyaabo kala duwan u kala baxo, hase ahaatee guurka qasabka uu ka duwan yahay guurarka kale, maadaama gabadha si xoog lagu guursado, waalidkeedana aanay raali ka aheyn.

Ugu dambeyn Culimada ayaa sheegay inay ka soo saari doonaan bayaan la xiriira sida gabdhaha sida qasabka lagu guursado ay bulshada ula noolaan lahaayeen, iyagoo aan la dareensiin faquuq, iyo caruurta ay dhaleen ay noqdaan kuwo aan la takoorin, loona naxariisto.

DSC05797 DSC05798 DSC05801 DSC05807 DSC05814 DSC05821 DSC05822 DSC05823 DSC05824 DSC05849 DSC05871 DSC05889 DSC05915 DSC05922 DSC05927 DSC05936 DSC05944 DSC05954 DSC05956 DSC05958 DSC05963 DSC05964 DSC05966 DSC05969 DSC05973 DSC05976 DSC05978 DSC05982 DSC05990 DSC06000 DSC06002 DSC06008

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale