HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Wednesday, January 30, 2013 - 10:24:36
Waxaa la aqristay: 180 Jeer.

Kooxo hubeysan oo warar ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo

Waxaa Qoray:

baydhabo

Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa waxa ay xalay weerar ku qaadeen garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

Weerarkaas oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay ayaa waxaa loo adeegsaday hubka culus iyo rasaas muddo socotay.

Ilaa iyo hadda lama oga ujeedka kooxdaasi ay u weerareen garoonka diyaarahada Baydhabo, waxaana la rumeysan yahay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab inkastoo Al-Shabaab aysan arrintaas ka hadlin.

Dhinaca kale weerar kaas la mid ah ayaa Al-Shabaab waxa ay xalay ku qadeen bar koontorool oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Deegaanka Goof Gaduud ee magaalada Baydhabo.

Inta la ogyahay weerarkaasi waxaa ku geeriyooday Saddex ruux oo labada dhinac ka soo kala jeeda waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Weerarran ayaa ku soo aaday xilli masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, kuwaas oo halkaa ka wada la tashiyo maamul u sameynta gobolkaasi.

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

2 Comments for “Kooxo hubeysan oo warar ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo”

  1. Bukhaari axmad

    Wa arin lagu farxo

  2. Bukhaari axmad

    Wa mit lo bahan yahay in la arga gixiyo cadowga wa gul hana lgu daba deydo

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale