Waxaa la aqristay: 39 Jeer.
Kooxda Roma oo shaqada ka cayrisay Macallinkeedii
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah
Kooxda kubadda Cagta ee Roma ee Dalka Talyaaniga ayaa shaqada ka cayrisay macallinkeedii hore ee Zdenek Zeman kaddib guul darooyin is daba joog ah o soo wajahay kooxdaasi.
Tabarahan oo maalmahan la hadal hayay in uu lumiyay kalsoonidii Shaqadiisa ayaa kooxdiisa ay ciidda la sintay kooxda Cagliari markii lagu dubtay 2 – 4.
Kooxda Roma waxa ay si ku meel gaar ah xilka ugu dhiibtay Aurelio Andreazolli oo horay ula soo shaqeeyay Tababareyaasha Luciano Spalletti, Vincenzo Montella, Luis Enrique iyo weliba Zeman qudhiisa.
Dhinaca kala kooxdaan waxay ku jirtaan kalinta siddeedaad kala horeynta horyaaalka Talyaaniga waxayna leedahay 34-dhibcood.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
