Waxaa la aqristay: 175 Jeer.
Kooxda Man United oo hoggaanka ku qabatay 10-dhibcood markii ay ka gudubtay Caawa Fulham
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"
Kooxda Man United ayaa dheereysatay hoggaanka horyaalka Ingiriiska kaddib markii ay caawa dirqi kaga baxsatay kooxda Fulham.
Ciyaarta oo ka tirsanayd horyaalka Dalka Ingriiska, islamarkaana ku tirsanayd kulammadii 25-aad ee horyaalka Ingiriiska ayaa waxa ay ka dhacday garoonka ay ku ciyaarto kooxda Fulham.
United ayaa kordhisay hoogaanka ay ku haysay horyaalka markii gool qura ay kaga baxsatay kooxda Fulham, waxaana ay horyaalka haatan ku hoggaamineysaa 10-dhibcood oo nadiif ah.
Gool uu dhaliyey daqiiqadii 79-aad qeybtii dambe ee ciyaarta weeraryahanka Man U Wayne Rooney ayay kooxda United ku badbaaday oo ay kaga adkaatay kooxda Fulham.
Ciyaarta dhexmartay Kooxda Fulham iyo United ayaa qeybii hore hakad la galiyey markii ay korontada ka tagtay garoonka lagu ciyaartay ee ay leedahay kooxda Fulham oo lagu magacaabo ‘Craven Cottage’, inkastoo markii dambe ay dib u soo laabatay, mar kalena dib loo bilaabay ciyaarta.
Dhanka kale kooxda Manchester City ee dhanka dhibcaha ku soo xigta kooxda United ayaa berri la ciyaari doonta kooxda Liverpool, ciyaar ka tirsan Horyaalka Dalka Ingiriiska.
Daawo Sawirrada









Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

w united revree ee is dajiya daqiiiqada ugu danbeesa xadla premier viva m city
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waxbaa ka dhacay caawa man utd waa wax aan caadi eheyn waayo waxaa waaye teamka aduunka ugu fiican