Waxaa la aqristay: 268 Jeer.
Kooxda K/Gacanta Dekedda oo dirqi uga badisay Heegan, DAAWO SAWIRADA
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"

DAAWO SAWIRADA: MUQDISHO – Ciyaar aad loo wada sugaayay ayaa garoonka 1da Luulyo [Ex-Lugino] ee magaalada Muqdisho waxay ku dhexmartay kooxaha xafiiltan ciyaareedka weyn ka dhaxeeya ee wiilasha Kubadda Gacanta Heegan iyo Dekedda, iyadoo waqtigii loogu talagalay ciyaartan guusha ay dhinacooda martay Dekedda oo ku adkaaday 18-19.
Ciyaartan oo dardar xoogan ku bilaabatay ayaa waxaa muuqanaysay qeybihii hore in kooxda Heegan ay goolasha ku hormaraysay, iyadoo Dekedda ay iyaguna ka jawaabayeen goolashii laga dhaliyay. waxay goolasha isku garbiyaanba – waxaa qeybtii hore suragashay in Heegan ay hogaanka u qabato ciyaarta 10-11 ayaana lagu kala nastay.
Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa muuqatay in Kooxda Dekedda ay la yimaadeen farsamo ay hakad ku gelinayaan xiddigaha ay ku dhaqaaqaan Heegan sida Cali Maxamed Aadan {Cali Baraawiini}, Maxamed Ibraahim (Diyeeshe Dheere) iyo C/fitaax Maxamed Macoow {Bukaale} oo dhamaantood la saaray cadaadis lagu difaacayo weeraradii ay ku hayeen goolka Dekedda. iyadoo hab ciyaareedkiisa danbe ee Macalinka Dekedda Anwar ay suragelisay in xiddigaha Dekedda sida Maxamed Yuusuf iyo Maxamed Cumar ay fursado helaan isla markaana u horseedeen kooxdooda guul 18-19 ayaana dhinaca dhulka si dirqi ah loogu dhigay kooxda Heegan.
Guuldaradan ayaa nasiibdarro ku noqonaysa kooxda Heegan oo haddii ay kulankan badin lahayd loogu caleemo saari lahaa Horyaalka 13aad , Laakiin dhinaca Dekedda ayaa ciyaartan waxay fursad u siinaysaa inay xagga dhibcaha la mid noqoto Heegan oo lugtii hore iyagu ka badiyay Dekedda sidaas ay labadan kooxood isaga hor imaan doonaan maalinta Jimcaha 8/1/2013 kulan ay ku kala baxayaan `Final` .
Si kastaba, Daawashada ciyaartan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiinta wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada, madaxda sare ee GOS iyo Xiriirada hoos yimaada waxaana ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee GOS Ibraahim A. Shaamoow , Xoghayaha guud ee GOS Duraan Axmed Faarax, Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xuurshe Xasan {Eenoow}, Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo], G/X/XSCF Khadiijo Aadan Daahir iyo Taageerayaal aad u farabadan oo garoonka soo camiray.
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Email:buuna@isboorti.com
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

























