1: Saturday, February 2, 2013 - 15:19:53
2: 373 Jeer.

Kooxda K/Gacanta Dekedaha oo ka badiyay Heegan + Sawirro

Waxaa Qoray:

Ciyaar aad iyo aad u xiiso badan isla markaana ay ka soo qeyb galeen dadweyne fara badan ayaa shalay ka dhacday garoonka Ex-Lujino ee magaalada Muqdisho, waxaana ciyaartaasi ay dhex martay kooxaha K/gacanta ee naadiyada Dekedaha iyo Heegan.

Madax ka tirsan Dowladda KMG ah iyo Xiriirada Isboortiga ee dalka ka jira ayaa ka soo qeyb galay, waxaana ka mid ahaa madaxdii ciyaartaasi ka soo qeyb gashay Wasiir K/Xigeenka Isboortiga Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Guddoomiye K/Xigeenka GOS Ibraahim Shaamow, Xoghayaha guud ee GOS Duraan Axmed Faarax.

Ciyaarta Horyaalka 13-aad ee K/Gacanta waxaa kale oo daawashadeeda ka soo qeyb galay Guddoomiyeyaasha xiriirada Isboortiga sida Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga Ibraahim Xuseen Cali (Rombo), K/Simaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud Qadiijo Aadan Daahir iyo marti sharaf kale oo fara badan.

Dhinaca kale ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan, kaddib markii labada koox ee ciyaarayay ay soo bandhigeen ciyaar wanaag heerkeedu sareeyo, iyadoona ciyaarta ay ku dhammaatay Dekada 19 dhibcood Heegan 18 Dhibcood oo kooxda Dekedaha ay guusha ku raacday.

SDC18997

SDC18944 SDC18946 SDC18950 SDC18955 SDC18969 SDC18984 SDC18997 SDC19010 SDC19014

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale