Waxaa la aqristay: 358 Jeer.
Koobka qaramada Afrika oo manta furmaya
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"
Waxaa manta daaha laga qaadaya koobka qaramada Afrika “Africa Cup of Nations”oo sanadkaan ka dhacaya wadanka koonfur Afrika .
Madaxda ugu sareysa kubbada cagta iyo dowlada South Afrika ayaa ka soo qeyb gali doona furitaanka koobkan .
Koobkan oo la bilaabay 1957 waxaa ka soo qeyb gala sanad walba 16- wadan oo ku yaala qaarada madow ee Africa.
Masar ayaa ah wadanka ugu guulaha badan koobkan o heysta 7 jeer halka Zambia uu yahay wadankii ugu dambeeyay ee qaada koobka qaramada Afrika.
Caawa 7:00 fiidnimo ayaa koobkan daaha laga qaadi doonaa iyadoo marti galiyaasha South Afrika ay la ciyaari doona jaziirada yar ee Cape Verde halka kulanka labaad ee isla a Group A ay Angola la ciyaari doonto Morocco saacadu marka ay tahay 10:00 habeenimo.
Qaabka Group-yada waa sidan
• GROUP A: South Africa , Cape Verde, Angola , Morocco
• GROUP B: Ghana, DR Congo, Mali , Niger
• GROUP C: Zambia , Ethiopia, Nigeria , Burkina Faso
• GROUP D: Ivory Coast , Togo, Tunisia ,Algeria
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
sanadkan wa sanadkii EVERY COAST viva drogba