Waxaa la aqristay: 727 Jeer.
Konton Kun oo Doolar oo Halis Wadata !! (Warbxin Xiiso leh)
Waxaa Qoray: Jabriil Max'ud Nuur (Jabra)

“Rasaasta aan Maqleyney Alla Waa Wariye Hebel ee Deriskeennaa ahaa waxa la diley , markiiba Laba Nin oo ka dhawaa halkii lagu diley Wariyaha ayaa meel Luuq ah ku eryadey Raggii Diley Wariyaha waxayna labadii nin markii ay soo galeen Luuqa ayey yara Hakadeen ka dib markii ay dareemeen Muqdi yar maadaama uu markaa Dayaxana uu sii dhacayey, Salaadii Cishana laga soo baxay , inta is fiiryeen ayaa mid yiri “War raga waa noo dhow yihiin aan soo qabano” halkii ayey Oradkii ka bilaabeen, waxay Lugaha Furaan ama ay Ordaan ,waxaa luuqa ka Boodey Wiil Dhalinyaro ah oo markaa marayey , markii uu Indhaha ka qaadey laba nin oo dheg la qabta lahayn si aad ah u Xawaareynaya, Wiilkii Dhalinyarada ahaa ayaa waxaa uu isagana Bilaabey in uu ka Cararo waxay ka Cararayaan ragaan ,isagoo u qaatey in Nimanka ay Balaayo ka Cararayaan ,waxa la is eryadaba oo la is eryadaba , wiilkii Dhalinyarada ahaa ayaa labadii nin gacanta ku soo dhigeen ,iyagoo is leh maantaa qabteen ninkii Wariyaha Diley ,waxaana markiiba ka daba yimid Xaafadii oo dhan waxa Wiilkii lagu bilaabey Feer ,Haraati, Ul iyo qof waliba waxa u ay gacantisa ku jirto ayuu la dhacay ,waa la soo jiidey oo waxaa la keeney meel Banaan ah dadka oo dhan waxay u duceynayaan labada nin ee soo qabatey wiilka Wariyaha Diley “ “Gacanta Ilaah idiin kama Gooyo” Labada nin waxay ku dharaanayeen in Wiilkaan uu yahay ninkii Diley Wariyaha Bistooladiina uu Tuurey.,
Xaafaddii oo dhan baa Jug soo tiri waxay dadka ku qaylinayaan “ War yaan gacanta loo gelin Dowlada ee Barta ha lagu Khaariyo oo isku mar ha lala Duugo Wariyaha “ Haweeney ayaa iyana tiri “War waan aqaanaa Wiilkaan oo aragiisaa iigu yaal hore ayuu u diley Wariye Hebel “ Alla waa Runteed “ “Alla waa Runteed” Waa ninkii Wariyayaasha Dhameeyey, nin odey ah oo Goobta ku sugnaa ayaa soo boodey ka dibna inta u soo dhawaadey wiilkii la soo qabtey uu yiri “Wax badan baad fakatey ee maanta waa lagu hayaa sharciga ayaa lagu horgeynayaa “ Qof kale oo ka dhawaa halkii lagu hayey Wiilka ayaa yir isagoo ku qaylinayaa Cod Dheer “War ma ogtihiin in Dowladu balan qaadey in ninkii Wariye Dila ee Ruuxii so qabta la siinayo Abaal Gud dhan Konton Kun oo Doolar” Markii Warkaasi uu soo yeerey ayey labadii nine ee soo qabtey Wiilka ayaa nin kasta waxa uu qalbiga gashey in uu isagu leeyahay Kontan Kun ee Doolar “
“Waxaa meeshii ka bilowdey Muran ku saabsan Ciida leh Abaal Gudka waxaana weli Goobta lagu hayaa Wiilkii la soo qabtey “ waxaa uu ku doodayaa war wax Hubsada anigu wax ma Dilin “ Markii ay eryadaasi ka soo baxaan waxaa ku dhaca Feer iyo Haraati,waxaa loo xirey laba Dible , Cid Dheg Jalaq u siineysa ma jirto Calaacalkiisa “ Haweeney ayaa leh “Waaba soo indho Cad yahay Indho adagaa aniga ma Dilin aa , Heee Heeee Walee maanta waa lagu hayaa, waxaa weli lagu muransan yahay Ciida qaadaneysa Kontanka Kun ee Doolar , intii dooda soctey ayaa waxaa yimid Ciidamo Boolis ah .markiiba Katiinad ayey gacamaha uga Boobeen ,waxayna Dadweynaha dhoobnaa Goobta weydiiyeen Ciida Soo qabatey Gacan ku Dhiiglaha markiiba waxay Farta ku fiiqeen Labadii nin, iyagiina horaa loo wadey , intii la sii wadey ayaa waxaa Diira
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨