Waxaa la aqristay: 314 Jeer.
Kenya oo ka hadashay qaraxii xalay ka dhacay Masjid ku yaala xaafada Islii
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah

Saraakiisha Kenya ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii ka dhacay Xaafadda Islii Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Qaraxa oo dhacay Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxa uu ka dhacay afaafka hore ee laga galo Masjidka Al-Hidaaya ee Magaalada Nairobi, waxaana qaraxaas lala damacsanaa sida wararku sheegayaan xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo lagu magacaabo Yuusuf Xasan, inkastoo qudiisa uu dhaawac soo gaaray.
Sarkaal u hadlay Dowladda Kenya ayaa faah faahin ka bixiyey qaraxaas waxa uu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen saddex ruux sided kalana ay ku dhaawacmeen.
Waxa uu masuuliyadda qaraxaasi dusha u saaray Sarkaalku dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee ka dagaalamaya Soomaaliya, kuwaa oo weeraro halkaasi ka dhacay tan iyo markii Ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya masuuliyadiisa sheeganayey.
Maalintii Arbacada ee aynu ka soo gudubnay ayey ahayd markii qarax khasaaro geystay sidan oo kale uu ka dhacay Xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay Islii ee magaalada Nairobi.
Waxaa Qoray
Haaruun Yuusuf Khasaaro
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨



