1: Thursday, January 3, 2013 - 16:00:36
2: 252 Jeer.

Kenya oo fashilisay Qarax Ismiidaamin ah iyadoo xirtay rag Soomaali ah

Waxaa Qoray:

kenya airabort

Kenya oo ciidamadeed heegan buuxa galisay iyadoo ka wal walsan weerarro kaga yimaaddo kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa dhallinyaro la tuhmay ku qabatay magaalada Mombassa ee dalka Kenya.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in ay kuu guulaysteen fashilinta weeraro argagexiso oo lala damacsana in laga fuliyo magaala xeebedka Mombassa ee wadanka Kenya kaasi oo lasoo qorshenayay inta lagu guda jiro maal maha ciida kirismiska.

Taliyaha booliska magaladasi Aggrey Adoli aya sheegay in ay gacanta ku dhigeen koox Soomaali ah oo si dhuumalaysi ah uga soo gudubtay soodinta Kenya ay la wadaagto wadanka Somalia.

Taliyaha ayaa u shegay warbaahinta in shacabka wadanka Kenya laga doonayo in ay fajignaadaan inta ay soconyaan dabaal dagyada ciidda kirismiska.

“Waxaan si aad ah u xoojinay amaanka Hotelada goobaha dadka shacabka wadanka isugu yimaadan iyo sido kale kaaniisanada wadanka, si aan Al shabaab noo soo weerarn” ayuu yiri Mr. Adoli.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale