HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Saturday, February 23, 2013 - 10:39:57
Waxaa la aqristay: 181 Jeer.

Kenya oo Codsatay inay kaalin sare ka qaadato Howlgalka nabad ilaalinta Somalia

Waxaa Qoray:

 

Madaxweynaha Dalka Kenya, Mwai Kibaki ayaa ka shanqariyay inay muhiim tahay in Ciidamadda Kenya (KDF) kaalin muhiim ah laga siiyo Howlgalada Nabad ilaalinta Somalia.

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka jeediyay Munaasabad tababar loogu xirayay Ciidamo Kenyaati ah oo lagu qabtay Magaaladda Eldoret, wuxuuna xusay in Ciidamadiisa kaalin ka qaateen Nabad-ku-soo-dabaalida Somalia.

isaga oo intaa kasii ambaqaadayay wuxuu amaanay guusha ciidamadda (KDF) ka gaaren howlgalka loogu magacdaray (Linda Nichi Operation), ee ay kooxda Alshabaab kaga saaren Koonfurta Somalia  iyo kaalinta ay KDF kaga jiraan howlgalada haatan ee AMISOM.

Ciidamadda Kenya waxay bartamihii bishii October ee sanadkii 2011 gudaha u soo galeen Somalia, kadib markii ay ku eedeyeen Kooxda Alshabaab inay ka dambeeyen Qaraxyo iyo dilal ka dhacay Gudaha dalkaasi Kenya.

Madaxweynaha Kenya waxa uu sheegay inay dowladiisu aqoonsantahay muhiimadda ay leedahay in Ciidamadda KDF ka mid noqdaan howlgnabad ilaalinta Caalamka, isagoo xusay inay ciidamadiisu yihiin kuwa Khibrad iyo asluub leh.

Dhinaca kale kibaki wuxuu kula dardaarmay ciidamada inay taxadar ka muujiyaan waxa uu ugu yeeray kuwa dabeecadaha xun ee wax u dhimaya sharafta ciidanka iyo dalka

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale