1: Wednesday, December 5, 2012 - 07:34:00
2: 90 Jeer.

Kenya iyo Uganda oo soo gaaray semi-final-ka koobka bariga iyo bartamaha Africa

Waxaa Qoray:


Xulka Kenya ayaa ku garaacay 1-0 xulka Malawi waxaana ay sidaas ugu soo gudbeen wareega semi-final-ka Cecafa Senior Challenge Cup oo ka soconaya wadanka Uganda.

Gool uu dhaliyay 12-daqiiqo ka hor dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta weeraryahanka waaya araga ah ee xulka Kenya Mike Baraza ayaa Kenya usahlay in ay ka mid noqdaan afarta koox ee ugu dambeysa koobabka bariga iyo bartamaha Africa .

Xidigaha xulka Harambee lagu gaaneyso ee Kenya ayaa la ciyaari doona Semi Final-ka wadanka Zanzibar maalinta Khamiista.

Dhan kale marti galiyaasha koobka ee Uganda ayaa soo gaaray heerka Semi Final-ka markii ay 2-0 kaga adkaadeen xulka Ethiopia ,waxaana ay labada gool uga mahad celinayaan Geoffrey Kizito iyo Robert Ssentongo.

Xidigaha Cranes lagu naaneyso ee Uganda oo ah marti galiyaasha iyo waliba wadanka difaacanaya koobkan ayaa Semi Final-ka la ciyaari doona Tanzania.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale