HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Thursday, December 13, 2012 - 17:08:57
Waxaa la aqristay: 101 Jeer.

Karem Benzema oo dhaawacmay

Waxaa Qoray:

Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka Qaranka Faransiiska Karim Benzema ayaa xalay dhaawac ka soo gaaray ciyaartii Koobka Spain ‘Copa Del Rey’ ee lugta hore wareegga 16-ka ee dhex martay kooxaha Celta vigo iyo Real Madrid 2-1.

Benzema ayaa dhaawac ka soo gaaray Canqawga Midig, waxaana la arkayay isagoo aad ula taahaya dhaawaca gaaray daqiiqaddii 33-aad ee ciyaarta, waxaana lagu beddelay ciyaaryahan Jose Callejon.

Dhaawaca Benzema ayaa wuxuu xaaladda ku sii adkaynayaa Real Madrid oo haatan uu ka dhaawacan yahay Weeraryahanka kale ee Reer Argentine Gonzalo Higuain.

Tijaabo labaad oo lagu ogaanayo baaxadda ay gaarsiisan tahay dhaawaca gaaray Benzema ayaa dhowaan lagu samayn doonaa, inkastoo dhaqaatiirtu sheegayaan in dhaawaca nuucani oo kale ah uu u baahan yahay waqti dheer oo nasasho ah.

Waxaa Qoray
Maxamed Xaaji

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale