Waxaa la aqristay: 281 Jeer.
Kaka oo qarka usaaran in uu ka soo muuqdo San Siro
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"

Kooxda AC Milan ayaa udhow in ay amaah ku soo qaadato laacibkeedii hore Kaka kadib markii wakiilka laacibkaan uu manta la kulmay madaxweyne ku xigeenka AC Milan Adriano Galliani.
Labada nin ayaa kulankoodu ka dhacay magaalada Milan waxaana ay ka wada hadleen qaabka uu laacibkan markale kaga soo muuqan karo AC Milan .
Sida ay ogaatay La Gazzetta dello Sport wakiilka laacibkaan iyo kooxda AC Milan ayaa isku af gartay in wiilkaan uu ka soo muuqdo garoonka San siro maalmaha soo adan .
Kaka ayaa ka niyad jabay nolasha kooxda Real Madrid kadib markii uu noqon waayay dooqa tababare Jose Mourinho.
Imaatinka Kaka ee garoonka San siro ayaa la ogeyn waxa uu soo kordhin karo xili kooxda Milan ay hoos usii socoto.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
kaka milan isbadal cusub ayuu kusoo kordhinkaraa weyna ubahan tahay booskisa waana ciyaryahan tayo fiican leh
Wax weyn ayuu ku soo kordhin karaa kaka ac milan waayo waa nin tayo wanaagsan leh