1: Thursday, December 13, 2012 - 07:32:49
2: 65 Jeer.

Juventus oo soo gaartay wareegga 8-da ee Copa Italia

Waxaa Qoray:


Kooxda Kubadda Cagta Juventus ayaa xalay waxaa ciyaar ka tirsanayd Coppa Italia kula yeelatay garoonkeeda ‘Juventus Stadium’ kooxda Cagliari, waxaana 1-0 ay guushii ku raacday kooxda Bianconeri oo u soo gudubtay wareegga 8-da ee tartankan.

gool qura oo Juventus oo uu u dhaliyay ciyaaryahan Sebastian Giovinco ayaa guushii siiyay, hase yeeshee waxaa Marwada cajuusada ah ciyaartaasi kaga dhaawacmay ciyaartoyda kala ah Emanuele Giaccherini, Arturo Vidal iyo Nicklas Bendtner.

Macallinka kooxda Juventus ee dhowaan ganaaxa ka soo laabtay Antonio Conte ayaa taageerayaasha Bianconeri ay si diirran ugu soo dhoweeyeen ciyaartaan.

Dhinaca kale ciyaar kale oo ka tirsanayd isla Koobkani ayaa waxaa kooxaha Parma iyo Catania ay isla dhaafi waayeen barbar-dhac 1-1, taasoo aakhirkii keentay in Rigooreyaal la dhigay 3-4 ay guushii ku raacday Catania.

Waxaa Qoray
Yaxye Yuusuf

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale