1: Thursday, December 13, 2012 - 11:54:05
2: 32 Jeer.

Joojinta gudniinka fircooniga oo looga dooday Boosaaso

Waxaa Qoray:


Munaasibad balaaran oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiinta ugu saraysa Dowlada Puntland islmar ahaantaasna ay soo qaban qaabisay wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska ee Puntland ayaa maanta waxa ay kadhacday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari .

Masuulyiintii kasoo qayb gashay munaasibadaasi waxaa kamid ahaa madaxwaynaha maamulka Puntland cabdiraxmaan maxamed maxamuud faroole iyo waliba qaar kamid ah golihiisa wasiirada sidookale waxaa iyana munaasibadaasi looga hadlayay joojinta gudniinka fircooniga ah kasoo qayb galay qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah .

Mowduuca munaasibaadan ayaa ahaa joojinta gudniinka fircooniga ah waxaana intii ay socotay lagu soo bandhigay riwaayado katurjumaya dhibaatoyinka uu gudniinka fircooniga ah uu kuhayo haweenka Soomaaliyeed .

Wasiirada haweenka iyo arimaha qoyska maamulka Puntland xaliimo xaaji xasan cismaan oo madasha kahadshay ayaa sheegtay in gudniinka fircooniga uu yahay mid dhibaato wayn kuhaya haweenka Soomaaliyeed loona baahan yahay in ladabar gooyo kawasaarad ahaana ay dadaal dheer ugu jiraan sidii meesha looga saari lahaa gudniinka fircooniga ah .

Madaxwaynaha maamulka Puntland cabdiraxmaan maxamed faroole ayaa sheegay in Puntland ay sharci adag ay ka soo saartay joojinta gudniinka fircooniga ah hadana ay socoto sidii bulshada reer Puntland looga wacyi galin ahaa joojintiisa .

Munaasibadaan ayaa ahayd mid gabagabadi ku soo idlaatay jawi aad udagan qaybihii kaladuwanaa ee bulshadii kasoo qayb gashana ay ahaayeen kuwo ku dhiiranaa joojintaa gudniinka fircooniga ah.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale