1: Friday, December 7, 2012 - 21:39:33
2: 228 Jeer.

Jawaari oo “mardanbe 4.5 waxba laguma soo xuli doono”

Waxaa Qoray:


Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in laga gudbi doono Nidaamka ay Beelaha Soomaaliyeed wax ku qeybsadaan ee 4.5.

Maxamed Sheekh Cusmaan oo Khamiistii kulan kula qaatay Ardeyda jaamacadaha Muqdisho Hoolka Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya aan wax lagu soo xuli doonin 4.5 oo inta badan Soomaalida ay qurux umaleysay waayahan dambe.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Nidaamka 4.5 uusan cadaalad u sameyn karin Beelaha Soomaaliyeed, sidaa darteedna laga gudbi doono waqti dhow.

Afayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay in qof kasta lagu qiimeyn doono aqoontiisa iyo kartida uu u leeyahay shaqada, isagoo Ardada Soomaliyeed ugu baaqay inay si fiican wax u bartaan si ay ula wareegaan Xukunka Dalka, ugana gudbaan qabiilka.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale