HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Wednesday, December 12, 2012 - 20:14:24
Waxaa la aqristay: 1,106 Jeer.

Iska Iloow Messi ,Ciyaariyahan African ah oo la sheegay in uu hal sano ku dhaliyay 107 gool (warbixin muhiim ah )

Waxaa Qoray:



Xiriirka kubada cagta ee dalka Zambia (FAZ) ayaa sheeegan in ay soo bandhigi doonan Book taariiq ah oo cadeynaayo in laacibkii hore ee dalka Zambia Godfrey Chitalu uu yahay ciyaaryahanka ugu badan ee hal sano gudaheed dhaliyay goolashii ugu badnaa ee ciyaaryahan uu dhaliyo aduunka oo dhan.

Lionel Messi ayaa malmah ka hor si cad loogu aqoonsaday cyaaryahanka heesta rikoorka ugu badan ee goolasha ee hal sono ah markii uu dhaliyay 86gool sanadkan 2012 kadib ciyaartii 2-1 Barcelona ay ku garcaaday kooxda Betis horyaalka La Liga iyadoona rkioorkaas uu kala wareegay gool dhaliyahii hore Germany Gerd Muller oo dhaliyay sanadkii 1972.

FAZ ayaa ku andacootay in Chitalu uu shabaqa galiyay 107 gool isagoo u ciyaarayo kooxda Kabwe Warriors, xili ciyaaredkii 1972 , inkastoo aysan wax arintan ku aadan aysan wali soo ban dhigan ka hor inta uusan jabin rikoorkaan Messi.

Record kan ayaa ka dhacay dalka Zambia 40 sano ka hor , sida warbixintaan ayaa tilmaameysa.

FAZ madaxweynaheeda Kalusha Bwalya, ayaa sheegay in Chitalu uu ahaa geesigii xulka Zambia ugu wanagsanaa.

“waa xaqiiqo in uu dhaliyay 107 gool hal sano , waana wax dalka Zambia oo dhan ay ogyahiin . sidoo kala waan xasuustaa in lagu abaal mariyay dalka Franc boqoleyda uu dhaliyay owgeed , waxan loo dhigay xaflad , Bwalya ayaa sidaas usheegay Goal.com.

“Waxaan waqti gali doonaa sidii loo aqoon san lahaa 107-daasi gool, waxuu ahaa ciyaaryahan tariqi ah waa in lagu xushmeeyaa oo la aqonsada rikoorkiisa ayuu hadalkiisa ku daray.

Chitalu ayaa ku guulestay shan jeer ciyaaryahanka sanadka ee wadankaas “Zambia’s Player of the Year “

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale