Waxaa la aqristay: 850 Jeer.
Inta badan Soomaalida ku nool dalalka kale ee Europe oo dalka Britain ku sii qulqulayo
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Riyadda Dadka Britishka ayaa noqotay inay isweydiiyaan sababaha ay dadka Afrikaanka ee deagaannshaha ka haysta Europe ay ugu soo qulqulayaan Britain, ayaa ah Barnaamijyo Taxane ah oo ay Telefishinka 4 ka diyaariyeen Qulqulka Afrikaanka haysta dhalashadda dalalka Europe ee sida xawliga ah ugu soo guurayo dalka Britain.
Socoto Afrikaan ah oo la wareystay, ayaa waxay ammaanyaan in Adeegyadda Bulshadda ee ka jira Britain uu aad uga fiican yahay Adeeyadda kale ee ay bixiyaan dalalka kale ee Midowga Europe ku jira.
Inta badan dadka Britain oo sahan laga qaaday wxay u maleeyaan in heerka dadka Socotadda uu aad u sarreeyo, iyadoo badankooda cabsidooda ku aadan tahay in Socotadda cusub ay wax u dhimaan farxadda Britain oo horeyba hoos u dhacday.
Shaqo la’aanta ayaa la sheegay inaysan saacidi karin Socotadda cusub, gaar ahaan kuwa ka yimaada qeybo ka mid ah dalalk saboolka, sida dalka Somalia oo ay shaqo la’aantu heer sare gaartay.
Barnaamijka Taxanaha ee Idaacadda BBC 4 oo saddex qeyb ka kooban, oo loogu magac daray British Dream“ Riyadda dadka British” oo xalay bilowday ayaa lagu xusay in Wareysiyo lala yeeshay ku-dhawaad 3 million socoto cusub oo tan iyo sannadkii 2001-dii joogtay England iyo Wales..
Kooxda ka tirsan BBC 4 ee soo ururiyey daraasaadda, ayaa soo ogaaday in dadka Afrikaanka ee joogta UK badankooda yihiin kuwo sharciga Deganaaanshaha ka haysta dalalka Midowga Europe, oo ay xuquuqo ku leyihiin dalalka Scndanavja oo kale marka ay dalka Britain imaanayaan.
Daraasaadda BBC 4 oo ay la kaashadeen Jaamacadda Oxford socotadda ku soo qulqulayo Britain ayaa lagu ogaaday in ay Soomaalidu tahay mid ka mid ah Kooxaha ugu ballaaran ee yimaada Britain, kana soo guura dalalka kale ee EU-da.
Tiro lagu qiyaasay 20,000 oo qof oo Soomaali ah, kana soo guuray dalka Holland ayaa soo dalka Britain.
Daraasadda ayaa lagu sheegay in saddex duleel iyo bar dadka Soomaalida ee galay Holland ay u soo guureen dalka Britain.
Waxana isweydiinmudan sababaha nolosha fiican ee Swden ama Holland ka jirta looga door bidayo in nolol kale laga helo gudaha dalka Britain?
Quman Akli oo ka mid ah Soomaalida ka soo guurtay Holland, ayuu Barnaamijka BBC 4 la kulmay, kana soo xigteen in loo baahan yahay nolol, laakiin loo baahan yahay inuu qofku awoodo inuu noloshiisa sii horumariyo.
Quman Akli iyo familkeeda oo Soomaali ka soo qaxay, waxay tan iyo sannadkii 1998-dii deggnaayeen magalladda Bergen ee Waqooyiga dalka Holland.
Quman waxay sheegtay inuu aabaheeda oo lagu magacaabo Jibriil uu u sheegay sanandkii 2003-dii inuu doonayo inuu Familka oo dhan u guuraan Britain, iyadoo uu aabaheeda ka ruqseystay Madbacaddii uu ka shaqeynayey, kadibna u soo guureen UK.
Wareysiga BBC 4 ee uu la yeeshay Aabe Jibriil oo haatan Dareewal ku wada gudaha London, ayaa sheegay inuu u maleynayo inuu dalka UK aad uga furfuran yahay marka loo eego dalalka kale ee Europe.
Jibril waxa uu sheegay inay ku dayasho mudan yihiin Jaalliyadda Asianka ee dalka Britain uga yimid dalka Uganda haatan yihiin Maalqabeenno, Ganacsato iyo Garyaqaano,
Barnaamijka Taxanaha ee BBC 4 waxa kaloo lagu wareystay Nin u dhashay dalka Nigeria, oo lagu magacaabo Kevin Obudako, kaasi oodalka Britain ka soo galay dhinaca dalka Germany.
‘London waxay noqotay meel ay dadka madowga ku noolaan karaan’ ayuu yiri, isagoo xusay inuu horey midab-nacayb u soo arkay.
Waxaa Turjumay Ustaad Nuradin Abokar Ahmed “Diini-Yare”
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨



