Taageerayaasha kooxda Hertha Berlin oo garoonka soo jabsaday marki xalay laga badiyey. PDF Print E-mail
Soomaalida
Written by Abdiqadar   
Sunday, 14 March 2010 09:12


BERLIN:- Tobnaan ka mid ah taageerayaasha kooxda Hertha Berlin oo ah koox ka dhisan magaalada Berlin ee xarunta dalka Germany ayaa xalay soo jabsaday ooda garoonka weyn ee Olympico stadium kadib marki kooxa ay 2-1 ku lumisay kooxda Nuremberg.
Taageerayaasha garoonka weeraray oo ahaa kuwo careysan ayaa waxa ay ku hubeysnaayeen dhalooyin iyo budad ayaa waxa ay gudaha usoo galeen garoonka marki ay kooxooda gunta ugu dhacday qeybta ugu hooseysa ee horyaalka.


Ciyaartooyda iyo tababarayaasha labada kooxood ayaa ku cararay qolka dhar badalka iyo labiska ee garoonka iyadoo booliskana ay la tacaaleen kooxadan taageerayaasha ah kuwaas oo marki danbe lagu celiyey fadhiga garoonka.

Taageerayashan Herth ayaa weerarka bilaabay daqiiqado kadib marki weeraryahanka kooxda Nuremberg Angelos Haristeas uu ka dhaliyey goolka guusha daqiiqadihi ugu danbeeyey ee ciyaarta taasoo ka dhigtay in kooxda Hertha Berlin ay ku dhacdo kooxaha hoose iyaoo kooxda Nuremberg kasoo baxday qeybta hoose waxaana ay leedahay 24 dhibcood.

Afhayeen u hadlay kooxda Hertha oo lagu magacaabo Gerd Graus ayaa xaqiijiyey in aysan jirin wax dhaawac ah oo ay geesteen taageerayaasha.
Hertha ayaa hogaanka u heysay kaalimaha hoose ee horyaalka tan iyo bishii September,waxa ay hada leedahay 15 buundo 26 kulan oo ay cayaartay.

Soomaalidamaanta
Ciyaaraha.


By:AbdiqadarBanaaneey
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 
Heestii Kawaanka dadka iyo kooxda Qeylo dhaan   Riix hoos:



Ku
Noqo Bogga Wararka ama Booqo Ciyaaraha ama kafaa'ideyso Barnaamijka Caafimaadka hadii Kale News English

Wixii fakarkaaga ah noogu soo hagaaji Emailkeena:

soomaalidamaanta@live.com ama

soomaalidamaanta@hotmail.co.uk

Copyright 2010 Soomaalida Maanta.