|
Soomaalida
|
|
Written by Abdiqadar
|
|
Sunday, 14 March 2010 09:07 |
|

LONDON: -Afar gool oo ay kala qeybsadeen Drogba, Malouda, iyo Alex ayey kooxda Chelsea kaga badisay naadiga hooseeya ee West Ham United ciyaar Sabtidi ka dhacday magaalada London.
Kulanki Sabtida waxaa bartilmaameed ahaa weeraryahanka u dhashay dalka Ivory Coast ee Didier Drogba oo saxiixay laba ka mid ah afarta gool ee ay kooxdiisa ku badisay,iyadoo kooxda Chelsea dib ugu soo laabtay hogaanka horyaalka.
Laba asbuuc kadib marki Chelsea ay ku bar baratay kooxda Manchester City oo kaga badisay garoonkeeda Stamford Bridge,ayey Chelsea lasoo baxday hab ciyaareedki lagu yaqiinay iyada oo ciyaaryahan Florent Malouda uay u aheyd shalay mid ka mid ah ciyaarihiisii ugu wacnaa ee soo mara.
Laba gool oo uu dhaliyey Drogba iyo gool uu ka dhaliyey Malouda ayaa dilay kooxda West Ham oo iska bareejeysay gool uu ka dhaliyey Alex iyadoo goolka West Ham uu u dhaliyey ciyaaryahanki hore ee Chelsea Scott Parker.
Dhanka kalana kooxda Arsenal ayaa si xun uga badisay naadiga Hull City marki ay kaga adkaatay 2-1.
Nicklas Bendtner,oo 3 gool ka dhaliyey kooxda Porto asbuucii hore ciyaar ka tirsaneyd kooba Champions League ayaa ka dhaliyey goolhayaha kooxda Hull Boaz Myhill ciyaarta oo ay ka harsaneyd 3 daqiiqo.
Hada labada kooxood ee Chelsea iyo Arsenal waxa ay isla hayaan hogaanka waxana ay wada leeyihiin 64 points inkastoo kooxda Chelsea ay farqiga goolasha ku wado isla markaana uu u dhimanyahay hal kulan.
Kooxda horyaalka heysato ee Manchester United oo leh (63 dhibdood) ayaa dib ugu soo laaban karto hogaanka hadii maanta hadii ay ka badiso kooxda Fulham.
Ciyaaraha kalana kooxda Tottenham ayaa soo ciriirsatay booska afraad marki ay 3-1 ku cuntay kooxda Blackburn Rovers,waxaa ciyaartaasi ka muuqday Roman Pavlyuchenko.
Aston Villa, oo booska kula dagaalameysa kooxda Tottenham ayaa iska qasaarisay fursad marki ay bareejo 0-0 ah la dhaawi weysay kooxda Stoke City.
Kooxda kaalintad sanaad ee Manchester City ayaa maanta booqan doonto kooxda Sunderland.
Kooxda Burnley ayaa muqaato koox si dhaqso ah ugu laabaneyso horyaalka labaad (second division) marki ay 2-1 ku lumisay kooxda daalaa dhaceyso ee Wolverhampton Wanderers.
Bolton Wanderers ayaa 4-0 ku caaqday kooxda Wigan Athletic 4-0 halka Birmingham City ayey kadaba tagtay kooxda Everton oo kaga hor martay 2 gool iyagoo labada kooxoo iskula ak dhacay 2-2.
Soomaalidamaanta
Ciyaaraha.
By:abdiqadarBanaaneey
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|