|
Soomaalida
|
|
Written by Abdiqadar
|
|
Sunday, 14 March 2010 08:44 |
|

MILAN: - Weeraryahanka xulka Talyaaniga Alberto Gilardino ayaa dhiiri geliyey kooxdiisa Fiorentina rajadeeda ah in ay sanadka danbe ka ciyaarto koobka Europa League kadib marki uu xalay u dhaliyey laba ka mid 3-1 ay kaga badisay kooxda Napoli.
Kooxda Fiorentina oo ka dhisan magaalada Florence, ayaa ka hartay koobka Horyaalada Yurub wareegiisa 16-ka asbuuci lasoo dhaafay marki ay reebtay kooxdareer Jarmal ee Bayern Munich.
Hada waxay ku jirtaa kaalinta 10-aad laakin waxay usoo jirsatay 5 dhibcood kaalinta lixaad taasoo usuurta gelineyso in ay xirato booskeeda Europa League ee xilli ciyaareedka soo aadan.
Kooxda kaalinta 7-aad ee Napoli, oo 5 dhibcood ka hooseyso kooxda kaalinta afraad ee Palermo ayaa hogaanka ciyaartay qabatay daqiiqadihi hore ee gelinka labaad marki weeraryahanka reer Argentine Ezequiel Lavezzi uu madaxa gool ugu dhaliyey kaasoo ahaa goolkiisii koowaad ee sanadkan.
Hase yeeshee 15 daqiiqo kadib ayaa waxaa bar bareeyey Gilardino oo isna madaxa la helay kubada marki uu ka faa,ideystay karoos kaga yimid Stevan Jovetic,laacibki hore ee kooxaha Parma iyo Milan ayaa goolka labaad oo ahaa madax waxa uu la yimid sadex daqiiqo kadib,goolka sadexaadna waxaa ku fara yareystay Jovetic.
Kooxda kaalinta labaad ee AC Milan oo caawa la balansan kooxda Chievo ayaa hal dhibic usoo jirsan doonto kooxda Inter Milan hadii ay badiso, Inter oo Jimcihi la ciyaartay Catania waxa loogaga badiyey 3-1.
Soomaalidamaanta
Ciyaaraha.
By:Abdiqadar Banaaneey
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
.
|