Markab laga leeyahay Spain oo u gacan galay burcad badeeda. PDF Print
Soomaalida
Written by Abdiqadar   
Wednesday, 10 March 2010 16:26

NAIROBI:-Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa maanta afduubtay markab kalluumeysi oo laga leeyahay Spain xilli ciidamada isbaheysiga Midowga Yurub ay sheegeen in ay xoojinayaan howlgalada ka dhanka ah burcad badeeda.

Markabka la afduubtay shaqaalaha saaran ayaa 10 ka mid ah waxay u dhasheen dalka Kenya, midna waxa uu u dhashay Spain, labana waxay u dhasheen dalka Nabiibiya, midna waxa uu u dhashay Portugal, saddexna waxay u dhaseen dalka Senigaal.

Ciidamada la dagaalama burcad badeeda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in Markabkaasi uu haatan ku sii wajahan yahay goobaha ay kooxahai burcad badeedu la aadaan Maraakiibta ay afduubtaan, gaar ahaan dhinaca degmada Xarardheere oo ah saldhiga ugu weyn burcad badeeddu.

Dhanka kale ciidamada Midowga Yurub ayaa kordhiyay dadaalkooda ay ku carqaladeynayaan howlaha burcad badeeda, waxayna sheegeen in tan iyo maalintii Jimcaha ahayd ee la soo dhaafnay ay qabteen burcad badeed gaaraysa ilaa 40- ayna soo badbaadiyeen labo Markab oo nooca waaweyn ah oo ay burcad badeeddu horay u qabsadeen.
 

Soomaalidamaanta
Muqdisho.

 
Heestii Kawaanka dadka iyo kooxda Qeylo dhaan   Riix hoos:



Ku
Noqo Bogga Wararka ama Booqo Ciyaaraha ama kafaa'ideyso Barnaamijka Caafimaadka hadii Kale News English

Wixii fakarkaaga ah noogu soo hagaaji Emailkeena:

soomaalidamaanta@live.com ama

soomaalidamaanta@hotmail.co.uk

Copyright 2010 Soomaalida Maanta.