Chelsea oo kusoo laabatay hogaankahoryaalka marki ay garaacday Arsenal. PDF Print
Soomaalida
Written by Abdiqadar   
Monday, 08 February 2010 09:41

LONDON :- Laba gool oo uu qeybti hore ee ciyaarta saxiixay Didier Drogba ayey kooxda Cheslea kaga awood roonaatay kooxda caanka ah ee Arsenal ciyaar xalay Stamford Bridge oo ah garoonka ay ku ciyaarto kooxda Chelsea.
Guushaasi ayaa kooxda Cheslea kusoo celisay booska hore ee horyaalka iyada oo hada laba dhibcood oo nadiif ah ka sareysa kooxda Manchester United oo sabtidii qabsatay hogaanka horyaalka Premier League.

Drogba, oo 12 gool ka dhaliyey Arsenal tan iyo marki uu kusoo biiray Cheslea sanadi 2004 ayaa goolkiisi koowaad ee ciyaarti xalay dhaliyey daqiiqadii 11-aad marki uu dhameystiray kubad uu madaxa ku dhiftay kabtanka kooxda John Terry.

Goolka labaad wuxuu saxiixay 10 daqiiqo kadib wuxuuna ahaa gool aad u sareeyey isaga oo la dhexmaray difaacyada Arsenal marki uu baas ka helay ciyaaryahan Frank Lampard.

Arsenal oo asbuucii hore 3-1 ku cuntay kooxda Man Utd ayaa haatan guushaasi waxay ku sii reebtay dib u dhig kale waxaana ay 9 dhibcood ka hooseeysaa kooxda Cheslea.

Ciyaar kale oo ka tirsaneyd horyaalka Premier League ayaa dhax martay Birmingham City oo 2-1 ku cuntay kooxda Wolverhampton Wanderers.


Soomaalidamaanta
Ciyaaraha

 

 
Heestii Kawaanka dadka iyo kooxda Qeylo dhaan   Riix hoos:



Ku
Noqo Bogga Wararka ama Booqo Ciyaaraha ama kafaa'ideyso Barnaamijka Caafimaadka hadii Kale News English

Wixii fakarkaaga ah noogu soo hagaaji Emailkeena:

soomaalidamaanta@live.com ama

soomaalidamaanta@hotmail.co.uk

Copyright 2010 Soomaalida Maanta.