Waxaa la aqristay: 2,263 Jeer.
Ikraan iyo Qaboojiye ma Muqdisheey u gafeen mise duco? King Khaalidse Muxuu Muqdisho ka yiri. Fakarkaaga ka dhiibo
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"

FAKARKAAGA KA DHIIBO: Hees muran badan dhalisay ayaa waxaa si wadajir ah ugu luuqeeyey Ikraan Caraale iyo Cabdi Qaboojiye taasoo ka hadlaysa Muqdisho iyo xaalada ay ku suganaan jirtay.
Muranka ayaa keenay ka dib markii Ikraan Caraale iyo Qaboojiye ay si aan caadi ahayn u amaaneen magaalada Hargeysa iyagoo misana maalmo ka dib ay soo saareen hees qabyo ah oo Muqdisho iyo madaxdeeda ka hadlayso.
Laakin waxaa kacay balaw iyo qaylo dhaan taasoo dadka qaarkii ay u micneeyeen in Ikraan Caraale heesta ay la qaaday Qaboojiye hoosta laga galiyey yacni ah mid siyaasadaysan oo loola jeedo magaalo dhimatay oo aan rajo laga qabin oo in loo duceeyo u baahan.
Halka kuwo kale ay qabaan in heesta ay duco uun ku kooban tahay balse adiga is weydiiyoo sidee ayay kuula muuqataa heestan:
Fanaaniinta Ikraan iyo Qaboojiye oo la wareeystay ayaa iska fogeeyey in ula jeedo gaar ah laga damacsan yahay heesta Muqdisho ay u qaadeen, waloow Ikraan hadalkeeda uu ka mid ahaa in Koonfur aabaheed ku duugan yahay taasoo aad ka dheehan karto inaaysanba ogayn inaay u dhalatay. Taasi ayey dad badani qabaan in gabadhani yar ay ku dhalatay magaalada Hargeysa kuna soo barbaartay halkaasi halka Muqdisho aysan waligeed tagin.
Si kastaba ha ahaatee Heesaha ayaa baryahaan noqotay mid la isku duqeeyo oo daah la saarayo iyadoo dhawaan uu ay ahayd in heestii HAY RAADSDAN loola jeeday koonfurta Somalia.
Bal laba hees oo aan isku soo dhajinay nala daawo ka dib fakarkaaga ka dhiibo.
Waxaa hees kale oo cusub qaaday Fanaanka weyn ee King Khaalid kaasoo ka hadlaaya inaaysan fiicnayn kala googo’a dal mid ah iyo waliba isagoo tusaale usoo qaadanayey waagii bari samaadka iyo gobanimo u dirirkii.
Dhamaan heesahaani oo dhan micno badan ayay ku fadhiyaan waxaana fahmi kara qofka si wanaagsan u dhagaysta oo dhuuxa miraha sedexda hees.
HEESTA KING KHAALID HOOS KA DHAGAYSO:
FIIRO GAAR AH: Waxaa loo baahan yahay fakarkaaga inaad ka dhiibato, waxaana xaaraam ah oo Allah uusan raali ka ahayn inaad caaytanto. Hadii ay taasi dhacdo fakarka aad soo bandhigto waanu ka saari doonaa:
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨