HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Friday, January 11, 2013 - 21:34:33
Waxaa la aqristay: 1,277 Jeer.

Howshii goglidda cowska Stadium Banadir oo la dhameystiray + Sawirro

Waxaa Qoray:

01 (5)
Gabagabada dhigista cowska artifishalka ee garoonka stadium Banadir ayaa waxaa ay astaan u tahay in uu soo dhamaaday wajigii hore ee dhismaha garoonka, sida uu sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Sacdiid Carab oo maanta war saxaafadeed arrintaa ku aadan kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho

“Anigoo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaan u mahad celinayaa guddoomiyaha ururka kubada cagta aduunka ee FIFA Joseph S.Blatter iyo xubnaha guddigiisa guusha ay ka gaareen meel marinta barnaamijkan weyn oo soo bilowday xili marxalad adagi ay ka jirto dalka Soomaaliya—talaabadaasi waxaa ay muujineysaa sida ay uga go’an tahay guddoomiye Blatter iyo gudigiisa in ay horumariyaan kubada cagta Soomaaliya iyadoo si gaar ah ay FIFA u gacan siineyso Soomaaliya”ayuu yiri xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab maanta.

War saxaafadeedka xoghayah guud waxaa lagu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu aad ugu mahad celinayo sidoo kale shirkada Green Fields oo iyaduna barnaamijkan soo bilowday waqti adag.

“Waxaa ay Greenfields noo sii dirtay Injineer khabiir ah oo bixiyay dadaal badan si uu u xqiijiyo dhameystirka howshan quruxda badan muddo 6 todobaad ah oo uu nala joogay magaalada Muqdisho—Waxaan amaan gaar ahaaneed usoo jeedineynaa Mr. Lex vander oo naftiisa usoo huray in uu shaqadan u qabto Soomaaliya xilligan adag”ayuu xoghayah aguud ku yiri war saxaafadeedkiisa maanta, isagoo intaa raaciyay in xiriirka Soomaaliyeed iyo dhamaan bahweynta kubada cagta Soomaaliya ay aad u amaanayaan khabiirkan kuna qanacsan yihiin shaqada uu qabtay.

“Waxaan rajeyneynaa in Mr.Lex Vander uu mar kale kusoo laaban doono Soomaaliya si uu shaqdan oo kale uga qabto garoonka weyn ee Stadium Mogadishu oo uu dhawaana qiimeyn ku sameeyay shaqada uu u baahan yahay inta ay la egtahay”ayuu xoghayaha guud sii raaciyay hadalkiisa.

Waxaa uu sheegay xoghayuhu in xiriirka Soomaaliyeed uu hada ku faraxsan yahay in wajiga hore ee shaqada dhismaha uu soo dhamaaday ayna ka sugayaan FIFA iyo Green Fields in ay si dhaqso ah u bilaabaan qeybaha ka haray dhismaha garoonka.

“Hada waxaan heysana agaroonkeena oo ku qaabeysan cows-ka artifishalka oo aadna u qrux badan, laakin garoonku wax cayaar ah hada ma marti gelin karo iyadoo sababtuna ay tahay qeybo kale oo muhiim ah oo aan wali la dhisin sida musqulaha, qeybta VIP-da , qolalkii cayaartoydu ku labisan lahaayeen iyo dayactirka fadhiga caadiga ah ee dadweynaha—markaas ayuu garoonku cayaar marti gelin karaa waana ka sugeynaa FIFA iyo Greenfields in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhameystiraan qeybaha haray wayna balan qaadeen”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Waxaa uu sheegay in horyaallada kubada cagta Soomaaliya ay bilaaban doonaan bisha April ee sanadkan xiligaas ka horna ay rajeynayaan in FIFA iyo Greenfields ay dhameystiraan qeybaha dhismaha ka haray,

“Shirkada heysata qandaraaska dhismaha ee gudaha ee EMECO awood ayay u leedahay in ay qabato qeybaha dhismaha ka haray waxaana mar kale ka codsanaynaa FIFA iyo Greenfields in ay usoo dadajiyaan waxyaabaha ay u baahan tahay si ay u dhameystirto dhismaha inta ka harsan”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka kubada cgata Soomaaliyeed Cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed arrinta garoonka ku aadan soo saaray maanta.

01 (2)

01 (4)

 

01 (1)

01 (5)

By Shaafici Muxuyadiin

Email:shaficiislow@yahoo.com

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

4 Comments for “Howshii goglidda cowska Stadium Banadir oo la dhameystiray + Sawirro”

  1. fadumo

    asc masha alaaaaaaaaaah ayaan leeyahay

  2. muna

    wax kasta waa gacan ku haayn iyo daryeel wadajira, , coows runa oo kan ka, qurux badan ayaa nooga dhex bixi lahaa, hadii uu daryeel bulsho oowada jira uu helilahaaa,
    wadamadaan reer galbeedka, sababatay coowska caaga u dhiganayaan, garoomadooda, baraf ayaa ka, da, a ama qaboow aad udaran marka coowska qaboowgaas wuu dhimanayaa maxamilikaro!
    mooryaan diirataaa, ayaa wadankii laga qurxin öla,yahay oo abaar ku soo koray dagaal qeeylo dhac boob, darxumo kufsi faqri, iyo dhibaato u,joog!
    alle aan ka, cabsaneeyn, dalki dhan wa duugoobay. kuwaas iyo wixii muslimka iyo muuminnta dhibku haya allha naga qabto wadankii waa dhalan roogeen
    waa mahadsanyihiin , hayada ama shaqsiyaadyada noo qurxiyaya garoonka, grasiass

  3. muna

    waa arin fican, laakin waxaan ka, baqayaa riyeehii iyyo lo, deenii inay coows u, maleeyaan oo daaqaaan, oo calooosha ku xanuunto, ama dadka, qaar ay cows runa u, maleeyaan oo ay gurrtaan!_ umadaaas noo sameeysay aad baan ugu mahad celinayaa waa ku faraxsanahay!

  4. malaay

    masha alah goorkii xaafada naf ayaa ku soo noqotay laakin dhibka wuxuu ka imaanayaa dadka cusub oo xaafada soo dagay 1991 maxii ka dambeeyay xoolahooda ayay daaqsin u geyn doonaan ariga & lo’da,garoonka meelo badan ayaa laga soo galikaraa sidaa darteed halaga taxadaro taana.!

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale