HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Friday, February 22, 2013 - 16:42:20
Waxaa la aqristay: 140 Jeer.

Howlgalo lagu qab-qabtay Al-shabaab iyo Hub oo ka dhacay Kismaayo

Waxaa Qoray:

 

Howlgalo ay si wada jir ah Maanta u fuliyeen Ciidamadda Dowladda iyo Kuwa AMISOM ayaa ka dhacay Magaaladda Kismaayo, Howlgalada ayaa waxa ay Ciidamada kusoo qab-qabteen Rag tiradooda gaaraya 50-Ruux kuwaasoo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Kooxda Al-shabaab ee ku dhuumaleysanaaya Daafaha Magaaladda Kismaayo

Howlgalada ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadaha Magaaladda Kismaayo waxa ayna Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM baaritaano ku sameeyen Guryahay iyaga oona soo qab-qabtay Rag lid ku ah amaanka Magaaladda.

Baaritaanada ay si wada jir u sameeyen Ciidamadda Dowladda iyo AMISOM ayaa waxa uu kusoo beegmaaya Xilli Magaaladda Kismaayo maalinta Bari ah uu ka furmi doono Shir weyne maamul loogu sameyn doono gobollada Jubbooyinka 

Generaal Ismaaciil SaxardiidTaliyaha amniga ee ciidamada dowladda Somalia u qaabilsan gobollada Jubbooyinka, ayaa sheegay in ragaasi ay yihiin kuwa farta lagu soo fiiqay isaga oona sheegay in Magaaladda ay nadiifinaayan Maadama Maalinta bari ah lagu balansan yahay inuu Furmo Shirka.

Generaal Ismaaciil Saxardiid, ayaa dhanka kale sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay sii wadi doonaan Howlgalada inta laga soo gabagabeynaayo Shirka waxa uuna Tilmaamay in u jeedka Howlgalada uu yahay mid lagu cirib-tiraayo Xagjirka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee Taliyaha ayaa sheegay in Magaaladda lagu faafiyay Ciidamadda Dowladda si ay u adkeeyan Goobta uu bari ka furmi doono Shirka.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale