1: Saturday, February 23, 2013 - 09:40:42
2: 360 Jeer.

Hordhaca kulanka QPR vs Man Utd.

Waxaa Qoray:

uuuKooxda hogaamineyso horyaalka ingiriiska Man United ayaa dooneysa in ay sii balaariso guul daro la’aanta 14-kulan oo aan lagaraacin waxaana kooxda Rangers ugu dambeysay in ay ka badiso kooxda Unitedka sanadkii 1992-dii.
Ogeysiiska Ciyaarta
Tartanka: Premier League

Kooxaha : QPR vs Man United

Garoonka : Loftus Road Stadium — London

Garsooraha: A. Taylor‎

Saacada geeska Afrika : 6:00 maqribnimo
Muhiimada labada dhinac
Tababare Harry Redknapp ayaa wali aanan helin ciyaaryahankiisa Jose Bosingwa oo dhabarka dhaawac ka qaba halka ciyaaryahanka Andrew Johnson oo jilibka ka dhaawacan yahay balse macalinka ayaa waxa uu soo dhaweyn doonaa ciyaaryahanda dhaawaca ka soo laabtay ee Fabio , Junior Hoilett iyo Julio Cesar oo hada caafimaadka qaba sidoo kale waxaa laga yaabaa in kulanka ka maqnaado weeraryahanka Loic Remy oo xoogaa dhaawac qaba.

Ciyaaryahanka Bobby Zamora ayaa kulankan laga yaabaa in uu ku soo bilaawdo ka dib markii labadii kulan ee ugu dambeeyay uu ku jiray kursiga keydka ee kooxda QPR, halka ciyaaryahanda Esteban Granero, Andros Townsend iyo Jermaine Jenas ay u matali doonaan macalin Redknapp xifaaltanka ka dhici doono qadka dhexe .

Kooxda soo booqdayaasha ee United ayaa waxa ayaa weyn doontaa ciyaaryahanada Paul Scholes oo jilibka ka dhawaacan iyo Phil Jones oo ka dhaawacan qoobka halka Wayne Rooney oo jira yar qaba lagu soo daray kooxda usafri doonta London.

Ciyaaryahanada Nani iyo Chicharito ayaa kulankaan nasiib u helayo in ay ku soo bilaawdaan maadaama ay kulankii Reading ay xidigahaan ay goolal dhaliyeen iyadoo ciyaaryahanka Rio Ferdinand kulankaan laga sugayo in uu daafac adkeeyo.

 

Xusuus kooban

 

kooxda QPR ayaa kaalinta ugu hooseeysa ku jirta horyaalka ingiriiiska waxa ayna 48-dhibcood ka hooseesaa kooxda hogaamineyso horyaalka ee Manchester United,sidoo kale kooxda QPR ayaa ka adkaan kooxda Red Devils tan iyo dhalashadii sandkii 1992.

Manchester United ayaa laga adkaan 14-kulan ay ka ciyaartay horyaalka ingiriiska marka lagu daro tartamada oo dhan waxa ay noqoneysaa 16-kulan oo aan laga badin kulankii ugu dambeeyay ee laga adkaaday waxa uu ahaa bishii November sanadkii 2012 kooxda Norwich City ayaa ka adkaatay.

Kooxda Red Devils ayaa iminka ah kooxda hogaamineyso horyaalka waxa ayna 12-dhibcood sareysaa kooxda kaalinta 2-aad ku jirta .

United ayaa iminka heysata sadax weeraryahan oo dhanka gool dhalinta meel wanaagsan ka tagaan waxa ayna kala yihiin Robin van Persie, Chicharito iy Wayne Rooney oo wadarta goolasha ay dhaliyeen ay tahay 51-gool waana marka lays ku daro dhamaan tartamada ay ciyaareen.

Labadaan koox ayaa markii ugu horeysay kulmay 27-kii August 1908-dii lugtii hore ee Final-ka koobka Community Shield ciyaar ku dhamaatay 1-1.

Dhamaan tartamada labadan koox ayaa kulmay 50 kulan waxaana 31 jeer adkaatay United halka QPR ay badisay 6 jeer waxaana ay bar bar dhac noqdeen 13 kulan .
Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo

line up

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale