Waxaa la aqristay: 116 Jeer.
Hordhaca kulanka galabta ee Real Madrid vs. Getafe
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah

Real Madrid oo wali 7 dhibcood ka hoseysa kooxda kaalinta labaad ee Atletico Madrid ayaa manta la ciyaari doonta kooxda Getafe kulan ka tirsan La liga.
Wiilasha Jose Mourinho ayaa 15 dhibcood ujira kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona waana farqi uusan ku farxin Mou.
Real Madrid ayaa weyn doonya daafaceeda Pepe oo wali kooxda dhawaac uga maqan halka Sergio Ramos uu isna ganaax ku maqan yahay .
“Aniga ma’ahi midka dadka ugu fiican laakin ma jiro qof iga fiican “ waa hal heyska tababare Mou kaas oo shalay udabaal dagay dhalashadiisii 50 aad tan iyo markii uuu ifka ku soo biiray 26-kii January 1963-dii .
Xidigaha labada dhinac ee lagayaabo in lagu soo bilaabo
Real Madrid: Casillas; Arbeloa, Varane, Albiol, Marcelo; Khedira, Alonso; Modric, Ozil, Ronaldo; Benzema
Getafe: Moya; Valera, Borja, Alexis, Abraham; Colunga, Torres, Rodriguez, Gavilan, Sarabia; Alcacer
Ciyaartaan ayaa ka dhici doonta garoonka Santiago Bernabé waxaana dhex dhexaadin doona garsoore José González iyadoo geeska Afrika laga dawan doono galabta 2:00.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨