Waxaa la aqristay: 88 Jeer.
Hordhaca kulanka Deportivo vs Real Madrid
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"

Los Blancos ayaa rejeyneysa in ay ku socoto wado iska caadi ah si ugu dambeyn loo hubiyo natiijada horyaalka iyadoo caawa usafri doonta kooxda Deportivo La Coruna.
Ogeysiiska ciyaarta
Tartanka : La liga
Kooxaha : Real Madrid vs Deportivo La Coruna
Garoonka: Municipal de Riazor
Garsooraha : Alfonso Álvarez
Saacada geeska Afrika: 10:00 habeenimo
Muhiimada labada dhinac
Deportivo La Coruna ayaa dib usoo dhoweyn doonta daafaceeda Carlos Marchena kaas oo ganaax ku maqnaa .
Daafaca garabka ka ciyaara ee Ayoze ayaa ka soo laabtay dhaawac uu kumaqnaa waxaana lagu soo bilaabi doonaa ciyaartiisii koowaad tan iyo bishii December,laakin xidigaha Aythami iyo Laure ayaa dhaawac ku seegi doona ciyaarta halka uu ganax uga maqan yahay Manuel Pablo.
Alvaro Arbeloa, Luka Modric iyo Gonzalo Higuain ayaa dib ugu soo laaban doona kooxda Real Madrid kuwaas oo ku maqnnaa ganaax hal kulan ah waxaase ganaax uga maqnaan doona Sergio Ramos oo laga saaray kulankii Rayo Vallecano.
Tababare Jose Mourinho ayaa ciyaari doona qaab xisaabtan ku jiro madaama uu Taladada lugta labaad ee Copa del Rey ka hor tagi doono Barcelona.
Xusuus kooban
Kooxda Deportivo La Coruna ayaa qasaartay 5 kulan La liga si boobsii ah .
Sadex jeer oo kaliya ayey adkaatay Deportivo 12 kulan oo ay xagaagan ku ciyaartat gurigeeda ,waxaana ay qasaartay 6 jeer halka sadex jeer ay bar bar dhac heshay.
Real Madrid ayaa adkaatay 5 jeer oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Deportivo.
Cristiano Ronaldo ayaa 8 jeer shabaqa soo taabtay 5-tii kulan ee ugu dambeysay La liga .
Labadan koox ayaa markii ugu horeysay kulmay 26-kii October 1941-dii,ciyaar ka tirsaneyd La liga waxaana 1-0 ku adkaatay Deportivo.
Deportivo ayaa 41 ciyaarood marti galisay Madrid ,waxaana ay adkaatay 11 jeer halka ay qasaartay 16 jeer waxaana ay bar bar dhac noqdeen 14 kulan .
Dhamaan tartamada labadan koox ayaa kulmay 83 jeer waxaana 46 jeer adkaatay Madrid halka Deportivo ay adkaatay 18 jeer waxaana ay bar bar dhac noqdeen 19 jeer.
Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo
DEPORTIVO LA CORUNA
Aranzubia
Silvio, Marchena, Ze Castro, Ayoze
Bergantinos, Assuncao
Gama, Aguilar, Pizzi
Riki
REAL MADRID
Lopez
Arbeloa, Varane, Pepe, Marcelo
Essien, Modric
Callejon, Kaka, Ronaldo
Higuain
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨



mpEPvj wow, awesome article.Much thanks again. Cool.