HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Sunday, January 27, 2013 - 07:18:23
Waxaa la aqristay: 117 Jeer.

Hordhaca kulanka caawa ee Barcelona vs. Osasuna

Waxaa Qoray:

barca okokok
Barcelona ayaa dib uxasuusan doonta guul daradii ay kala kulmeen kooxda Real Sociedad asbuucii tagay marka ay caawa la ciyaarayaan Osasuna.

Laakin inkastoo laga adkaaday asbuucii hore hadana Barcelona ayaa 8 dhibcood ku hogaamineysa horyaalka .

Labada tabababare ee Tito Vilanova, iyo Jose Luis Mendilibar ayaa labaduba heysta kooxo caafimaad qaba.

Lolo iyo Miguel Flano oo ka tirsan Osasuna ayaa qaba min 4 jaale waxaana ay la kulmi doonaan ganaax hadii ay qaataan kaar kale.

Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo

Barcelona: Valdes; Alves, Adriano, Pique, Puyol; Mascherano, Busquets, Xavi, Iniesta, Messi; Sanchez

Osasuna: Riesgo; Ruben, Echaide, Lolo, Bertran; Annan, Cejudo, Nano, Torres; Nino, Manuel

Ciyaartaan waxaa ay ka dhici doontaa garoonka Camp Nou waxaana dhex dhexaadin doona garsoore Fernando Teixeira‎ waxaana geeska Afrika laga daawan doonaa caawa 9:00.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale