1: Saturday, February 23, 2013 - 08:14:54
2: 227 Jeer.

Hordhaca kulanka Arsenal v Aston Villa

Waxaa Qoray:

aston vs asenalIyagoo isaga tacsiyeyna musiibadii ay kala kulmeen Bayer Munich ayey wiilasha Wenger galabta soo dhoweyn doonaan kooxda caasimada labaad ka timaada ee Aston Villa .
Ogeysiiska ciyaarta

 

Tartanka : Premier League

Kooxaha: Arsenal vs Aston Villa

Garoonka : Emirates Stadium

Garsooraha : Martin Atkinson.

Saacada geeska Afrika: 6:00 maqribnimo.

 

 

 

Muhiimada labada koox

 

Dhibaatooyinka Arsenal ee qeybta daafaca ayaa wali sii socda waxaana waxaa laga yaba in uu kulankan seego Bacary Sagna,waxaase dib loo heli doona Carl Jenkinson oo ganaax ka soo laabtay.

Kieran Gibbs ayaa wali ku maqan dhaawac halka uu kooxda Wenger uu ku soo laaban doono daafaca Nacho Monreal oo qaab sharci ah ku seegay Champions League.

Aston Villa kubbad sameyaheeda Charles N’Zogbia ayaa ka soo laabtay dhaawac uu kooxda kaga maqanaa waxaana sidoo kale la heli karaa Gabriel Agbonlahor iyo Karim El Ahmadi oo ka maqnaa kooxda kulankii ugu dambeyay .

Daafaca Chris Herd ayaa dib ubilaabi doona tababarka waxaase lagayaba in ay ka maqnaadaan Aston Villa xidigaha Marc Albrighton iyo Richard Dunne.

 

Xusus kooban

 

Kooxda Aston Villa ayaa ubaahan labo gool si ay udhaliso1,000 Premier League.

Labadaan koox ayaa si wanaagsan isku garanaya waxaana ay markii ugu horeysay kulmeen 8-dii October 1904-tii cyaar ka tirsaneyd horyaalka oo ay The Gunners ku badisay 1-0.

Aston Villa ayaa booqan doonta Arsenal markii 96 aad taariikhda waxaana 95 jeer oo hore ay ubooqato ay guul soo qaaday 25 jeer waxaana ay qasaartay 50 jeer iyadoo bar bar dhac heshay 20 kulan .

Dhamaan tartamada labadan koox ayaa kulmay 185 jeer waxaana ay Arsenal adkaatay 75 jeer halka AstoN Villa ay badisay 65 jeer waxaana ay bar bar dhac noqdeen 45 jeer.

 

Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo

 

Arsenal :- Szczesny; Jenkinson, Mertesacker, Vermaelen, Monreal; Ramsey, Arteta; Walcott, Wilshere, Cazorla; Giroud.
Aston Villa :- Guzan; Lowton, Vlaar, Clark, Baker; westwood, Delph; Bowery, N’Zogbia, Weimann; Benteke.

 

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale