HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Saturday, February 2, 2013 - 07:45:37
Waxaa la aqristay: 286 Jeer.

Hordhaca iyo Taariikhda kulanka galabta ee Newcastle vs Chelsea

Waxaa Qoray:

newcastle vs chelseaKooxda Newcastle ayaa galabta qaabili doonta kooxda Chelsea ciyaar ka dhici doonta garoonka St. James’ Park,waxaana ciyaartaas dhex dhexaadin doona garsoore Howard Webb,iyadoo geeska Afrika laga daawan doono galabta 6:00 maqribnimo.

Kooxda Newcastle

Waxaa kamaqan :- Hatem Ben Arfa ,Dan Gosling ,Danny Simpson , Ryan Taylor iyo Haris Vuckic.

Mapou Yanga-Mbiwa ayaa wali sugi doona kulankiisii koowaad ee kooxda Newcastle

Alan Pardew macalinka Newcastle ayaa codsaday in si fiican loo soo dhoweyo xidigii hore ee Newcastle Demba Ba oo galabta ka hor imaanaya kooxdiisii hore.

Papiss Cisse ayaa shabaq soo taabtay labo jeer oo kaliya 4 kulan oo ka tirsan Premier League tan iyo markii uu waayay saaxibkiis Demba Bal.

Ninka darbada kulul Yohan Cabaye ayaa Premier League ka dhaliyay shan gool oo uu ka soo laaday banaanka qaanada tan iyo bishii August 2011.

Kooxda Chelsea

Waxaa ka maqan :- Mikel iyo Moses oo ku maqan Afrika , Eden Hazard oo ganaax ah iyo Remou oo dhaawac ah .

Waxaa shaki la galinayaa David Luiz .

Rafa Benitez ayey xaaladku ku xun tahay kadib markii kooxdiisa iyadoo ciyaarta ku hogaamineysa 2-0 la soo bar bareeyay 5 daqiiqo gudahood ciyaar ay asbuucii tagay la ciyaareen Reading.

Frank Lampard ayaa shabaqa taabtay 9 jeer kadib 11 kulan oo lagu soo bilaabay Premier League sanadkaan .

Rafa ayaa Chelsea ku hogaamiyay Premier 12 kulan tan iyo markii shaqada lo dhiibay waxaana uu soo hooyay 22 dhibcood.

Xusuus kooban

Waa labo koox oo si wanaagsan isku garanaya .

Waxaa ay markii ugu horeysay kulmeen 14-kii September 1907-dii ciyaar ka tirsaneyd horyaalka oo ku idlaatay 1-0 oo ay ku badisay Newcastle.

Premier League ayey ku kulmeen 123 jeer waxaana 40 kulan adkaay Newcastle halka Chelsea ay badisay 49 waxaana ay bar bar dhac galeen 34 jeer.

Dhamaan tartamada labadan koox waxaa ay ku kulmeen 152 jeer waxaana 49 jeer adkaatay Newcastle halka Chelsea ay badisay 64 waxaana ay bar bar dhac galeen 39 jeer.

 

Xidigaha labada dhinac ee laga yaabo in ciyaarta lagu soo bilaabo

 

NEWCASTLE:-Krul,Debuchy, Taylor, Coloccini, Santon,Perch, Cabaye,Gouffran, Sissoko, Gutierrez,Cisse

CHELSEA:-Cech,Ivanovic, Cahill, Terry, Cole,Ramires, Lampard,Mata, Oscar, Bertrand,Ba

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale