1: Saturday, February 2, 2013 - 09:25:55
2: 243 Jeer.

Hordhaca iyo taariikhda kulanka galabta ee Arsenal vs Stoke

Waxaa Qoray:

Stoke City v Arsenal -  Barclays Premier League

Kooxda Arsenal oo aan suuqa kala iibsiga ka sameyn heerkii looga baahnaa ayaa galabta la ciyaari doonta kooxda Stoke,ciyaar ka dhici doonta garoonka Emirates ,waxaana dhex dhexaadin doona garsoore Chris Foy,iyadoo geeska Afrika laga daawan doono galabta 6:00 .

Kooxda Arsenal

Waxaa ka maqan :- Lukasz Fabianski iyo Kieran Gibbs oo dhaawac ah halka Gervinho uu ku maqan yahay Africa .

Waxaa ku soo laabtay tababarka Francis Coquelin iyo Mikel Arteta .

Xidiga cusub ee kooxda Arsenal Nacho Monreal ayaa lagayaba in uu helo ciyaartiisii koowaad ee Arsenal kadib markii tababare Wenger uu ku soo daray kooxda uu soo magacabay.

Arsenal ayaa 32 gool ku dhalisay garoonkeeda 12 kulan oo ay ku ciyaartay sanadkaan.

The Gunners ayaa adkaatay labo jeer lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaartay garoonkeeda

Santi Cazorla ayaa ah ciyaariyahanka kaliya ee ka tirsan Arsenal ee lagu soo bilaabay kulan kasta oo ka tirsan Premier League xili ciyaareedkaan

Kooxda Stoke

Kooxda Stoke ayaa heysta xul caafimaad qaba

Brek Shea oo ku soo biiray kooxda Stoke saacadihii ugu dambeeyay suuqa ayaa sugaya in loogu yeero kulankiisii koowaad.

Labadii kulan ee ugu dambeysay ee dhex martay labadan koox ayaa bar baro ku dhamaaday

Stoke waa mid ka mid ah kooxaha ugu difaaca wanaagsan Premier Leageu .

Xusuus kooban

Ciyaarta labadan koox ayaa leh taariikh dhisan hal qarni ka badan

Labadan koox ayaa markii ugu horeysay kulmay 12-kii November 1904-tii ciyaar ka tirsaneyd horyaalka oo 2-1 ay ku badisay Arsenal.

Horyaalka Premier League ayey ku kulmeen 83 jeer ,waxaana kooxda Arsenal ay badisay 41 kulan halka Stoke ay badisay 22 kulan iyagoo bar bar dhac galay 20 kulan .

Dhamaan tartamada waxa ay ku kulmeen 96 kulan waxaana 50 jeer adkaatay Arsenal halka Stoke ay adkaatay 23 jeer waxaana ay bar bar dhac noqdeen 23 kulan.

Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo
ARSENAL:-Szczesny,Sagna, Mertesacker, Vermaelen, Monreal,Ramsey, Wilshere,Walcott, Cazorla, Podolski,Giroud

STOKE CITY:-Begovic,Wilkinson, Shawcross, Huth, Cameron,Walters, Whelan, N’Zonzi, Adam, Etherington,Crouch

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale