HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Sunday, January 27, 2013 - 18:05:44
Waxaa la aqristay: 389 Jeer.

Hooyo Xabsiga ku Nuujineysa Canug yar oo Codsi ku jeedisay Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha

Waxaa Qoray:

Wariyey Cabdicasiis oo ku dhex jira Dadkii ay soo eedeeyeen Booliiska

Waxaa Maalintii Shalay ahayd Xabsiga loo gudbiyey Wariye Cabdicasis Maxamed Nuur (Koronto) ka dib markii isaga iyo Dhowr Qof oo ay Booliiska ku eedeeyeen ina ay ka Been Abuureen Fal kufsi ah hase yeeshee Cabdicasiis Korornto iyo Dadkaasi ayaa igu ku andacoonaya in aysan sameeyn wax been abuur ee ku aadan Falkaasi Kufsiga ah.

Markii shaley Tagey Halkii uu Warbxinta ku dhiibayey Xeer IIaaliyaha Guud ee Qaranka Cabduqaadir Maxamed Muuse ee Maxkamadda Sare ayaa mar waliba Indhaheyga qabanayeen Haweeneey Xambaarsan Canug yar oo marka qaar ay ka soo baxyeen ereyo ay ka mid ahaayeen “ Hooyo Aaamus .. Hooyo Aaamus “Markii aan u kuur galey haweeneydaas ayaa waxaa la ii sheegey in ay Tahay Haweeneydii la sheegey in la Kufsdey ,.

Markii aan Ogaadey in ay tahay Haweeneydii La kufsdey ayaa waxaan Bilaabey in aan si hoose u wareysto in kastoo aan la ogoleyn in lala hadlo haddana waxaan ku dadaaley sidii aan u heli lahaa Xogteeda , waxaan War Wareego mar ay Mashquulsanyeen Ciidamadii ilaalinayey ayaa u soo dhawaadey waxaan iri “ Adiga Miyaa Haweeneyda la sheegey in la kufsdey , markaas bey si hoose ii tiri “ Haa aniga waaye” Ma daneyneyn iyada ee waxa aan aad u daneyneyey Canuga yar ee ay Dhabta ku wadey markaas baan iri’ Canuga ma adigaa Dhalay” waxay ii gu jawaabtey “ Haa Aniga ayaa Dhalay.

Hadalkaasi marka ka maqley aad baan u Jirirricoodey waayo” Mar Cunaga yar waa la istaageysey marna waa la Fariisineysey ,Marna waa Nuujineysey “ waxayna Hooyadaas ahayd qof aan la socon wax meesha ka socda iyo Warbxinta uu Xeer Ilaaliyaha uu jeedinayey ,waxay ku Mashquulsaneyd Canuga ay Dhabta ku siday, waxaan weydiiyey ma weydey Canuga Cid kaa reebta inta u kiiskaada meel u dhacayo , waxay ku jawaabtey” Haa waxaan waayey Cid iga reebta marka waan ku qasbanaadey in aan Xabsiga kula jiro” .

Waxaan damcay in aan sawir ka qaado Hooyo Luul iyada iyo Canugeeda hase yeeshee iima Suurta gelin , balse waxaa ii suura galey in aan ka qaado Sawiir guud iyo dadka la xiran ee uu ku jiro Wariye Cabdicasiis Koronto , waxaana mar kale weydiiyey sida ay u aragto Xabsiga ay ku jirto mudda labada Tododbaad ah waxay ku jawaabtey ” Waad garan kartaa Haweeney uu Nuugayo Canug yar , Cunto igu filan ma helin , iskaa daa Jiif oo Habeenkii oo dhan baa soo jeeda waa mar aan aamusninaya Canuga yar iyo mar isagaa Naaska u dhigayaa, Walaahi Runtii Xaalad adag ayaan ku noolahay.

Hooyo Luul Cali Cismaan waa dhibane oo aan dhihi karo waxaa Dhibkeedii loogu darey dhib kale , waayo Waxay Xabsiga kula jirtaa Canug yar oo Bilooyin jira oo ay nuuijineyso , Sidoo kale waxaa Xabsiga kula jira Ninkeeda Muxyadiin oo Qareenada u doodaya dadkaan ay sheegeen in ay aad u la yaaban yihiin waxa uu Xabsiga uu ugu Xiran Muxyadiin maadaama Haweentiisa la Kufasdey sidoo kale waxay aad ula yaabeen in Haweeney oo markii hore Dhibane ahayd in iyadoo Canug Nuujineysa ay Xirnaato muddo 17 Maalmood ah waxayna Qareenada ay ku qaylinayeen” Meesha Cadaalad ma taal” Ma waxay Xeer Ilaalinta Qaran waayeen in Hooyo Luul in ay Damiin ku sii daayaan maadaama ay tahay Hooyo Ilmo nuujineysa , oo markii loo baahda loo yeero.

Layla Maxamuud Cabdulle oo ah Haweeney u dooda Xaquuqda Aadanaha gaar ahaan Bahda Saxaafadda iyo Xasan Cali Geeseey oo ah Agaasimaha Idaacada Dalsan oo Warbaahinta kula hadlayey Afaafka hore ee Maxkamada Sare ayaa Cadaalodarro ku tilmaamey in Dad aan la Xukumin in Xabsiga loo taxaabo ,waxayna Dowalada Federaalka ay ka Codsadeen in ay Deg Deg wax uga qabtaan Xariga Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Dadka kale ee la xiran.

Hooyo Luul waxay ka Codsaneysaa Madaxweynaha , Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka in ay soo Farageliyaan Kiiskaan waayo waxay sheegtey in ay tahay qof Dhiban oo lagu Xadgudbey , weliba waxay sheegtey in ay u sii dheer tahay in ilmo yar oo ay dhashey ku Nuujinayso muddo 17 Maalmood ah Xabsiga Gudihiisa welibana uu ninkeeda la xiran yahay waxayna is weydiisey waa kee Sharciga Dhigaya in sidaa loo galo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo markii hore Dhib loo geystey .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinKhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

2 Comments for “Hooyo Xabsiga ku Nuujineysa Canug yar oo Codsi ku jeedisay Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha”

  1. nuur cabdile

    asc walasheey waxaan leeyahy kusabir imtixaanka
    kuwaan in ay xaqaaqa kusiyaan iska daye yaysan mar kale ku kufsan
    dowladu awalba xaraan ayay ku dhisneed marka hal xaraan ahi nirig xalaal ah madhasho qofka aadanah ahi wuxuu wax tara umada kle markii uu naftiisa wax taro
    qofkkna wuxuu naftiisa wax tari karaa makuu alle kitaabkiisa hanuunka raaco mar haduu kaleexdo xaqa camalkiisuna waa buray alle ayay wax lawadajiyeen
    rabina wuxuu quraanka ku yiri
    qofkii kitaabka alle waxaan ahay wax ku xukumaa waa gaaloobay siday ayaduba ahay faman lam yaxkum bimaa ansalalahu faulaaika humul kafiruun alle waxaan kabaryaa in uu umada somaliyeed uu ka dulqaado cadwga gaalada romaanka saliibiga ah ilahoow nagu cizee waxaad rasuulk csw noogu soo dhiibtay wixii kasoo hadhana bada raacsii

  2. Zaack

    Asc walaal waad mahadsantahay dhibkan aad rabto inaankula qeybsano runti waa aduun iyo xaaladiis garsoor majiro ilaa kan maalinta qiyaame cadaalada ah marka wan uso duceynayaa in allaah xaqoda siiyo dadkaas dhiban waxana ka coddanayaa dowlada somalia iney il gooni ah ku ektoo dadka masaakintaa waayo maantay haduu ahaan lahaa qof dowlada ku jira dadkiisa xaqiisa mar horu heli lahaa wana wax xaaran ah inaad dadkaada waliba ushaqeysid inaad kala doorato plz and plz dalka dadkaas dhibaataysan baa lehe xaqooda hala siiyo yaalugu tuman waa iga dardaaran waxaa lo hoyan waa hal meel hadu hada qofkasta meel udhixi ee halis daryeelo

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale