Waxaa la aqristay: 178 Jeer.
Hilibka Fardaha oo laga war-helay in laga cuno dalalka Britain iyo Ireland.
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Ra’isul-wasaaraha dalka Britain, David Cameron oo hadlay isbuucii la soo dhaafay ayaa walaac xooggan ka muujiyey in ay soo kordhayaan Dukaamadda lagu iibiyo Hilibka Fardaha.
Cameron ayaa hadalkaasi ka hor sheegay kulan ay Mudanayaasha Barlamaanka dalkaasi yeesheen Arbacaddii la soo dhaafay, wuxuuna sheegay in dadka ku nool gudaha Britain ay walaac ka muujiyeen markii ay akhriyeen dhacdada la xiriirta in Hilibka Fardaha looga iibiyo sidii Hilibka Lo’da (Beef meat).
‘Ganacsatadda hilibka iibiya, ayaa qaadi doona mas’uuliyadda hilibka ay iibinayaan iyo halka ay ka keeneen’ ayuu sii raaciyey.
Hadalkiisa ayaa soo baxay, kadib, markii ay Hay’adda dalka Ireland ugu qaabilsan Fayo-qabka Cuntadda (The Food Safety Authority of Ireland sheegtay Talaadadii hore in ilaa 29% hilibka lo’da ee la iibiyo ku jiraan kuwo xaqiiqdii ah hilibka Fardaha.
Hay’adda, waxay sheegtay inay baaritaan dhinaca DNA-da oo lagu sameeyey Hilibka Lo’da ee lagu iibiyo xitaa lagu ogaaday oo laga helay DNA- Hilibka Doofaanka (Pig DNA).
Haweeneyda Wasiirka Beeraha iyo Cutadda ka ah dalka Ireland, Simon Coveney ayaa sheegtay in xogta dhibaatadaasi la ogaaday inay yihiin Hilibka laga soo dhoofiyo dalalka Spain iyo Netherlands.
Sarkaal u hadlay Shirkadda ka mas’uulka ah keenista iyo iibinta Hilibka Lo’da ee laga isticmaalo dalka Britain, ayaa sheegay inay Shirkaddu qubi doonto hilib kasta oo su’aal laga keeno.
Dhinaca kale, waxaa jira Waddamo si caadi ah looga isticmaalo hilibka fardaha, waxaana ka mid ah dalka China iyo dalal kale oo ku yaalla Bartamaha Qaaradda Asia, Latin America iyo dalal ka tirsan Qaardda Europe.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨




ggggggggggggggggggggggggg somalida way cuntaa miyaaaaaa