1: Wednesday, December 12, 2012 - 09:24:15
2: 1,213 Jeer.

Hazard oo beeniyay in uu saxiixay waraaqdii looga soo horjeeday gumaadka Yahuudi ku heyso Falastiin

Waxaa Qoray:


Xidiga sare ee kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa waxaa soo fooda saaray cadaadis kaga imaanaya FA-ga iyo qaar ka mid asxaabtisa markii la sheegay in uu ku jiray 62 ciyaariyahan oo saxiixday waraaq lagu canbaareynaayay gumaadka ay yahuudu ku hayaan Falastiin .

Laacibka wadanka Belguim ayaa iska fogeeyay arintaas waxaana uu wakiilkiisu sheegay in uusan Hazard waxba ka,ogeyn arintaan aysana jirin waraaq uu saxiixay .

“Kama uusan hadlin wax ku saabsan siyaasaada iyo xaalada falastiin mana jiraan wax uu saxiixay waana arin uu ka soo horjeedo waana hadalkaan laga sheegay ayuu yiri wakiilka xidigaan John Bico.

Hazard ayaa noqday xidigii labaad ee ka soo horjeesta in uu saxiixay waraaqdii lagu cambaareyay Isra’il ,kadib Drogba oo dhowaan sheegay in uusan saxiixin waraaqdaas.

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale