Waxaa la aqristay: 243 Jeer.
Haweenka Sacuudiga iyo Hawlaha Dembi-baarista.
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Nayaaf ayaa soo saaray Wareegto u fasaxayso Hay’adda Dembi-baarista inay qoran karaan haweenka khibradda leh, si ay uga qeyb qaataan Hawlaha Hay’addaasi.
Wargeyska Al-watan ee ka soo baxa dalka Sacuudiga, ayaa ka soo xigtay Saraakiilka tirsan Dembi-baarista Sacuudiga oo ku sugan caasimadda dalka Kanada xaqiijiyeen Wareegtadaasi.
Madaxa Waaxda Qorsheynta ee Hay’adda Dembi-baarista Sacuudiga, Jeneral Muxsin Alsheeani ayaa faahfaahiyey hawlaha ay haweenku qabanayaan, wuxuuna xusay inay ka hawlgeli doonaan dhinacyadda Bulshadda, Samafalka, Wacyi-gelinta Bulshadda iyo Daryeelka Mxaabiista.
Wargeyska Al-watan waxa uu qoray in tiro badan oo aeday gabdho ah isku diiwaan geliyeen inay ka mid noqdaan Hay’adda Dembi-baarista, iyadoo Haweenka la shaqaleynayo muhiim tahay inay Sharciga Islaamka aqoon fuucan u leeyihiin.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
