HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Tuesday, February 12, 2013 - 19:58:08
Waxaa la aqristay: 276 Jeer.

Haweeney Xaamilo ahayd oo ku dhex dhashay Xabsi

Waxaa Qoray:

prison_baby_3.jpg.size.xxlarge.promo

Haweeney uur leh oo lagu helay Daroogistenimo ayaa waxay ku dhex umushay kabiska qolkii ay kaga xirnayd Xabsiga Xabsiga Ottawa-Carleton ee dalka Canada.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Julie Bilotta oo 26 jir ayaa waxay fool ku dhex qabatay qolkii ay ku xirnayd, iyadoo aysan Maamulka Xabsiga wax gacan ah ku siinin sidii Isbitaal loo geyn lahaa amaba Umuliso loogu yeeri lahaa.

Julie Bilotta waxay sheegtay inay kabiska qolka ku umushay wiil, iyadoo aysan jirin cid u soo gurmatay.

Dhacdadaasu ayaa keentay in wax badan la isweydiiyo Xaalladda Haweenka ku xiran Xabsiyadda dalka Canada, iyadoo ay Dowladda saartay Labo Guddi oo soo baara sababaha aysan Maamulka Xabsiyadda uga war haynin haweeneyda ku dhex umushay Xabsiga magalladda Ottawa.

Kulliyadda Kalkaaliyayaasha Caafimaadka ee The Ontario College of Nurses ayaa ka mid ah Guddiga loo xil-saaray baaritaanka arrintaasi, iyadoo guud ahaan dalka Canada ay wada saamaysay haweeneyda ku dhex umushay kabiska qolkii ay ku xabsinayd.

Warbixinta ay soo saareen ayaan wax nuqul ah laga siinin Haweeneyda xabsiga ku dhex umushay iyo Garyaqaaankeedaba.

Sidoo kalena Guddi Heer Gobal oo loo xil-saaray arrintasi, ayaa qariyey natiijadda warbixintooda.

Kooxha u dooda Haweenka dalka Canada ayaa sheegay in arrintaasi muujinayso sida ay Haweenka xaamiladda ah ugu dhibaataysan yihiin Xabsiyadda.

Dawn Moore oo ka tirsan Isbahaysiga Caddaaladda ee Haweenka iyo Carruurta  “The moyjer-child coalition for Justice” ayaa sheegay inay dhibaataddu tahay dhinaca Nidaamka, wuxuuna  ku baaqay inay kulan la yeeshaan Haweeneyda Wasiirka Saxitaanka ka ah Ontario, Madeeine Meilleur, inkastoo ay Wasiiradda ku gacan-sayrtay inay la kulanto Isnahaysigaasi.

Saraakiisha Isbahaysigaasi, waxay kaloo ugu baaqeen Wasiiradda in dib-u-eegis lagu sameeyo Nidaamka Xabsiyadda iyo in daryeel caafimaad la siiyo dadka Maxaabiista ah.

Haweeneyda Xabsiga ku dhex umushay ayaa xabsiga ku muteysatay iyadoo lagu helay fal-dembiyeedkeed la xiriiray Ganacsiga Mukhaadaraadka.

Haweeneydaa iyo wiilkeeda yar ayaa dib loogu celiyey gurigii ay ka degganayeen Degmadda Cornwall, iyadoo lagu amray inaan lagu arki karin Waddooyinka Daroogadda lagu gado.

Naqdinta lagu hayo Xabsiyadda dalka Canada ayaa waxaa lagu xusuustaa Haweeney maxbuus ah oo la oran jirey Ashley Smith, taasi oo isku daldashay Xabsiga Kitchener sannadkii 2007.

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale