1: Thursday, January 3, 2013 - 19:47:31
2: 753 Jeer.

Halkee marayaan wada hadaladii Theo Walcott iyo kooxdiisa Arsenal?

Waxaa Qoray:

theo k
Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay in ay si rasmi ah ubilawdeen wada hadaladii ciyaariyahan Theo Walcott uu heshiiska ugu kordhin lahaa kooxdiisa.

Waxaa uu The Sun usheegay in ay meel wanaagsan marayaan wada hadalada uuna sugaayo in lagu dhawaqo natiijada goordhow.

“Mararka qaar ma fududa in aad qof ku qanciso go,aankiisa in uu badalo ,laakin wuxuu umuuqda mid inaga noo dabacsan “

“Waxaa uu noqon doonaa war ay ku farxaan dhaman taagerayasha ,waana joojinay qabashada dalabyada isaga ku wajahan ayuu yiri Wenger .

Dhanka macalinka The Gunners ayaa ka hadlay loolanka horyaalka Premier League iyo doorka kooxdiisa.

“Waxaan rabaa in aan sheego in uusan dhamaanin loolanka horyaalka waana mid ufuran cid kasta xitaa inaga, waana ka bad badisay in labada Manchester lagu xagliyo horyaalka “

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale