1: Thursday, December 6, 2012 - 16:58:52
2: 76 Jeer.

Hadii aad qoraa tahay wax qiimo leh qor (Warbixin Saxaafadeed)

Waxaa Qoray:

Wax kasto waxay leeyihiin xuduud lama dhaafaan ah oo hadii la gudbo ay wax kasto ay iska badalayaan sidey ahaayeen amaba ay dhadhan beelayaan, run ahaanti waxaa waayahan danbe soo ifbaxay dhalinyaro intooda badan dalka dibadiisa ku dhaqan oo ka shaqeeqa saxaafada qeybaheeda kala duwan, kuwaasoo aad ugu yartahay aqoonta ay leeyihiin dhanka saxaafada iyo shuruucda lama dhaafaanka ah ee anshaxa Saxaafada, inkasto ay jiraan dhalinyaro badan oo aad u xiiseeya saxaafada oo ka dhigtay hiwaayad hadane waxay ilaaliyaan shuruucda ay leedahahay saxaafada, balse waxay Soomaali ku maahmaahday Bada Hal Malaay ayaa Qurmiya, sababtoo ah hadii hal wariye sheego war aan lagu kalsooneyn amaba ka baxsan sharciga warbaahinta wuxuu saameyn ku yeeshaa inta kale ee ku shaqeysa magaca Saxaafada.

Qormadaan ayaan waxaan rabaa inaan uga hadlo oo kaliya oo diirada ku saaro dhalinyarada xiliyadaan danbe sameystay Web-seedyada ee sida foosha xun wax u qora, ma rabo inaan ka haldo qeybaha kale ee warbaahinta ee faraha badan, waxaan u gol leeyahaya dhalinyarada waayahan danbe usoo tafaxeetay inay si qaldan u adeegsadaan magaca Wariyanimada, iyagoo ku indha fiiqday si xun u adeegsiga iyo anshaxdarada aan aqoonta ku saleysneyn ee u soo gudbiyaan Warar, warbixino, Sheekooyin aad u raqiis ah oo dhaqanka Soomaaliyeed meel ka dhac ku ah.
Soomaalida waxa lagu yaqaanay inay yihiin dad aad dhaqan fiican oo dunida kaga duwan wax yaabo badan oo dhaqanka ah maamaada dadka Soomaaliyeed ay yihiin 100% dad Muslimiin ah, oo caado uma lahan Soomaalida inay waxyaabo lidi ku ah dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed inay ku dhaqmaan, sikastaba ha ahaatee Dagaaladii Dalka aafeeyay mudada 22 sano aheyd ee lasoo maray ayaa wax kasto ka badalay sideey ahaan jireen, wax kastoo wanaagsanaa waxaa loo badalay si kale oo aan horey loo arag, ilaa heerka dagaalada ay na gaarsiiyeen in Qof ilaa Qaran in la dhaqan rogmo.
Hadii aan usoo daadago dulucda Qormadeyda waxa jira dhalinyaro fara badan o sameystay Web-seedyo kuwaaso tirada ka badatay sideey wax u qoraana aan aad ula yaabay, qoraalada iyo warbixinada ku qoran web-seeyadaas ayaa ah kuwo aad loola yaabo oo marki aad daalacato aad dareemeyso inay Anshaxa Saxaafada ka baxsan yihiin iyo dhaqanka Soomaalida, mar aan booqday mid ka mid ah Web-seedyadaas ayaan ku arkay warbixin aad loo buunbuunshay hadane ah mid meel looga dhacaayo sharafta iyo karaamada Gabdhaha Soomaaliyeed, runti waxaan dareemay oo aad ii dhibay qoraaga soo qoray warbixintaas ceebta ah hadane sheeganaayo magac Wariye.

Waxyaabaha kale ee aadka aan ula yaabay waxa ka mid warar fool xun oo qaawan in lagu soo daabaco web-site laga daalacanaayo dunida dacaladeeda, inta cinwaan ee aan arkay waxaa iigu yaab badnaa kuwo lagu tilmaamay inay yihiin Warbixino Muhiim ah Talooyin Wax ku ool ah Fariimo qiima badan, waxaa iigu darnaa markaan arkay Hadii aad Qaadato Talooyinkaan waxaan heleysaa Seygaada wuxuu qabto, Xog dhab oo lagu ogaaday in Haweenka ay ka helaan Raga sidaan u Sameeya, Raaxada Noocaan ah waxay keentaa kasbashada Ragga IWM.

Waxyaabaha ay Dhalinyaradaan sameynayaan waxaa kaloo ka mid ah iyagoo suuq u raadinaayo web-seedyadooda si loo barto ama ay u helaan macaamiil fara badan oo aqrisata waxay ku xayeysiiyaan Aalada lagu wada Xariiro ee Facebook-ga, waxaadna arkeysaa Qorayaasha Web-seedleydaan oo kusoo Tag-gareynaayo (Tag) wararka qaawan ee foosha xun dad aan shaqo ku laheyn, inta badan qorayaasha anshaxa ka tagay ay markasto ku xiran cinwaanada Gabdhaha iyagoo aan raali ka aheyn.

Isku soo duub inta hada ka shaqeysa Web-seedyada Caadada xun ee dhaqan dooriska ah waxaan leeyahay si xun wax u raadin laheyd oo sharafta iyo Magaca Soomaaliyeed aad ku cayaari laheyd waxa kuu haboon marka hore in aad Alle ka cabsato oo Diintaada Dhowrto iyo dhaqankaaga Suuban, hadii aad moodeysid in aad magac iyo maamuus ku heleyso wararka Faataa dhugta ah ee aad faafineyso ogow bulshada agteeda waxa ka tahay qof xun oo ciyaal suuq ah oo sharaf laheyn.

Ugu danbeynti waxaan qormadeyda ku soo gabagabeynaa in wixi wanaaga laga wada shaqeeyo lana dhowro sucmada iyo sharafta Warbaahinta waxaana ka raali galinayaa dhamaan inta magaca Saxaafada ku bahowday wixi qalad ah ee dhalinyaradaas geysteen in laga saxo oo wacyigalin loo sameeyo loona sheego in sharafta meesha ay jirto laga raadiyo oo wax qiima leh la qoro hadii aad rabto inaad qoraa qiima leh noqoto.
W/Q C/laahi Maxamed Cumar Naanow
Naanow@hotmail.com

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale