1: Wednesday, December 12, 2012 - 17:11:43
2: 44 Jeer.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti oo booqasho ku yimid Muqdisho

Waxaa Qoray:


Guddoomiyaha Baarlamanka Jamhuuriyadda Jabuuti Idiris Cali ayaa maanta markii ugu horreysay booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti oo ay wehliyeen 7 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka dalkiisa iyo saraakiil kale ayaa waxaa Garoonka Aaden cadde si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ku xigeennadiisa, Mudaneyaal ka tirsan baarlamanka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM qeybta ka ah.

Wefdiga ka socday dalka Jabuuti ayaa waxaa loo soo galbiyay Xarunta Baarlamanka Soomaaliya waxaana guddoomiyuhu ka jeediyey khudbad kooban, isaga oo ugu hanbalyeeyey Xildhibaanada guulaha dawladda Soomaaliyeed gaartey, sidoo kale waxa ay guddoonsiiyeen haddiyado ay ku sharfeen Xildhibaanada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa joogi doona magaalada Muqdisho muddo sadex maalmood ah, waxaana maalinta berri ah ay la kulmayeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay ee uu Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti soo booqdo Muqdisho iyadoo masuuliyiin ka socda jabuuti uu kamid yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay horay u yimaadeen caasimadda Soomaaliya waxaana la filayaa in sidoo kale Guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti uu tago xarunta safaaradda Jabuuti ee Somaliya oo ku taalla meel wax yar u jirta Xarunta madaxtooyada villa Somalia.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale