1: Wednesday, December 12, 2012 - 21:34:59
2: 1,021 Jeer.

Guardiola “waa Arsenal dooqeyga koowaad hadii aan ku biirayo England”

Waxaa Qoray:


Pep Guardiola ayaa usheegay kooxda Arsenal in ay tahay kooxda dooqiisa koowada ah ee uu jeclaan lahaa in uu leyliyo hadii uu ku biiraayo horyaalka Premier League , Goal.com ayaa sidaa shaacisay.

Wakiilka macalinki hore ee kooxda Barcelona ayaa sheegay in uu ogeysiinaayo kooxaha ka dhisan Ingriiska in macalinkaan waayo arag ah uu daneynaayo in qabto kooxda Arsenal.

Guardiola oo hal sano oo nasasho ah ku qaatay magalada New York ayaa waxaa ku raad jooga kooxo badan oo ay ka mid yahiin AC Milan, Inter Milan, Bayern Munich ,Paris Saint-Germain, Arsenal, Chelsea, Manchester City iyo Manchester United.

Arsenal macalinkeeda Arsene Wenger ayaa kooxdaan hayay tan iyo bishii October sanadkii 1996-dii,laakiin kooxda ayaa koob la’aan soo food saartay tan iyo sanadkii 2004-tii waxaana kooxda uu buuq ka dhex dilaacay markii xalay laga soo saaray League Cup-ka.

Macalinka udhashay dalka Spain ayaa 14 koob uhorseeday kooxda Barcelona oo ay ka mid yihiin labo Champions League iyo sedax La Liga afar sano uu ku sugnaa kooxda Barcelona.

Hadalkaan ka soo yeeray Guardiola waxa uu dhabar jab ku yahay kooxaha bartilmaameedka ka dhiganaya macalinkaan

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale