Waxaa la aqristay: 205 Jeer.
Gool soo daahay oo uu dhaliyay Dempsey oo Man United udiiday in ay badiso
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"

Manchester United ayaa hogaanka uqabatay ciyaarta daqiiqadii 25 aad markii gool magafe Robin Van Persie uu shabqa soo taabtay kadib kubbad uu ka helay xidiga khadka dhexe ee Tom Cleverley.
Tottenham ayaa weerar aan kala go,an laheyn ku qaaday goosha United iyadoo daqiiqadii 41 aad kubbad halis ah ka bad baadiyay gool haye De Gea ciyaariyahan Bale.
Qeybtii labaad ee ciyaarta kooxda Manchester United ayaa la timid shax ku dhisneyd weerar iyo difaac waxaana Tottenham ay iyaduna aheyd koox raadineysa gool.
Wax walba ayaa is badalay sadexdii daqiiqo oo dheeraad ah oo lagu daray ciyaarta markii kubbad cariiri aheyd uu banaanka dhigay Lennon waxaana ka faa’iideystay Dempsey oo ciyaarta ka dhigay 1-1 sidaasna ayeyna ku soo idlaatay .
Hogaanka horyaalka ayaa hada waxaa uu yahay mid ay United ku heyso 5 dhibcood.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
Kkkkkk jecliyaa jabka women united warkaas waaigu soconaa viiva mancity women haquustaan